Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo so gaaray Beledwweyne

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu maalmo kahor xilkan u magacaabay madaxweyne Guudlaawe.

Muuse Salaad Wehliye oo ay galbinayaan ku dhowaad 20 gaadiidka dagaalka ayaa safar dhinaca dhulka ah ku galay magaaladaasi oo ay weli ka taagan xiisad xoogan.

Sidoo kale waxaa safarkiisa qayb ka ah xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan HirShabelle, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay marka ay tageen halkaasi.

Degmada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal ay HirShabelle looga saaray magaaladan, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada taabacsan maamulka la magac baxay ‘Hiiraan State’ oo kasoo horjeed maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Cali Guudlaawe.

Guddoomiyaha cusub ayaa la filayaa inuu dhowaan xilka kala wareego guddoomiyihii hore ee gobolka, Cabdullahi Sufurow oo xilkaas haayay tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Guddoomiyaha cusub oo ah nin dhalinyaro ah ayaa kamid golaha wasiirada HirShabelle, wuxuuna ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiid Duulista iyo Hawada ee maamulkaasi.

Muuse Salaad ayaa waxaa hortaallo shaqo adag oo ay ugu horeyso wax ka qabashada reer Beledweyne oo diidan maamul goboleedka HirShabelle iyo wax ka qabashada amniga.

Hiiraan oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haatanla dagay khilaafaad ka dhashay dhanka maamulka oo u dhexeeyo madaxda HirShabelle iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolkaas oo ay xildhibaano qayb ka yihiin

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

Sabti -27-April-2024 {HMC} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/kEXArUNODmw

WARARKA