Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Shan qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Jarmalka

Arbaco-27-March-2024 {HMC}  Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay in ka badan 20 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo uu ku lug lahaa gaari bas ah meel u dhow magaalada Leipzig ee bariga Jarmalka.

Baska FlixBus wuxuu u leexday dhanka midig ee mashquulka badan ee A9 autobahn ka hor inta uusan dhinac u dhicin.

Baska ayaa kasoo ambabaxay magaalada Berlin isagoo ay waday labo darawal iyo 53 rakaab ah waxa uuna ku sii jeeday Nuremberg oo uu kagasii jeeday Zurich, sida ay xaqiijisay shirkaddu.

Saraakiisha gobolka Saxony ayaa sheegay in ay u tacsiyeeynayaan dhibbanayaasha.

FlixBus oo lagu aasaasay Munich 2011kii, waxay mamuushaa shabakad adeegga basaska ah oo meela fogfog oo Yurub, Ameerika iyo Aasiya ah.

Shirkadda ayaa sheegtay in shilku uu dhacay abaaro 10:00 (09:00 GMT) ee waddada A9, oo ah wadada waqooyi-koonfur ee Berlin ilaa Munich.

Baska adeegga 107 waxa uu laba saacadood u socday safarkiisa koonfurta wakhtiga shilku ka dhacayay isgoys u dhaw Leipzig/Halle Airport, ee waqooyi-galbeed ee magaalada.

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamad go’aamisay in aan la is qabi karin jacayl la’aan, lamaanena kala furtay.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Maxkamad go’aamisay in aan la is qabi karin jacayl la’aan, lamaanena kala furtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/-1_u9dFsS-4

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26-04-2024}

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Mo,alim Muse Osman Farsamadii...

WARARKA