Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay arrimaha Amniga Maamulkaas.

Khamiis-28-March-2024 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ahna ku simaha Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Adan ayaa maanta shir-gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee deegaanada Jubaland.

 

Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland ayaa ka warbixiyey xaaladda Amni iyo sida Ciidamada ay qayb lixaad leh oga qaateen sugida Amniga xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, howlgaladii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidamada Jubaland gaar ahaan Ciidamada ku sugan Deegaanka Barsanguuni iyo degmooyiinka Afmadow iyo Dhoobley isagoo ka warbxiyay guud ahaan Degmooyinka gobolka Gedo.

 

Intii uu shirku socday golaha Wasiirada Dowladda Jubaland ayaa ansixiyey xeerka Booliska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

 

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoys iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland ayaa golaha u soo jeedisay in la meelmariyo xeerkii Gudniinka Fircooniga ee ay soo gudbiyeen bishii February 2024, sidoo kale wasaarada ayaa soo jeedisay xukunada baal marsan Arrimaha Xuquuqul Insaanka Aadanaha ee Maxkamada.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26-04-2024}

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Mo,alim Muse Osman Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Kulan Lagu Taageeraayo Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha DFS oo Lagu qabtay Magaalada Garowe.

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Kulan Ciyaareed Lagu Taageeraayo Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Xoosh ayaa lagu qabtay Magaalada Garowe ee...

WARARKA