{DAAWO SAWIRADA} Maamulka Gobolka Banaadir oo tababar u soo xiray howl-wadeeno ka kala yimid 17-ka degmo

0

Tababar socday labo maalmood ayaa waxaa xarunta degmada C/casiis loogu soo xiray howl-wadeeno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasoo ka kala yimid 17-degmo, kuwaasoo isugu jiray Guddoomiye kuxigeenada arrimaha bulshada, dhalinyarada iyo haweenka.

Agaasimaha Waaxda Sama falka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka Gobolka Banaadir C/qaadir M. Axmed (Dalxa) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan uu ku saabsanaa barashada Xuquuqul Insaanka, sida loo gudbiyo adeega bani’aadanimo iyo maaraynta Musiibooyinka, iyadoo fikirka tababarkan iyo maalgalintiisa uu lahaa maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Iiman Nuur Iikar ayaa xusay in ay tahay wax lagu farxo in maamulka Gobolka oo qabsanayo tababar lagu dhisayo awooda aqooneed ee shaqaalahiisa, isagoo tilmamay inay muujineyso bilowga isku filnaasho dhanka aqoonta iyo xirfadaha iyo maaliyada.

Ka qeybgalyaashii tababarkaani ayaa aad ugu amaanay maamulka Gobolka Banaadir qaban qaabada iyo taaba galinta, iyadoo ay sheegeen in ay ka faa’iideysteen waxyaabo aad muhiim u ah oo ku saabsan shaqooyinkooda maalmeed ee arrimo bulsho ee 17-ka degmo, iyagoo balan qaaday in ay u istaagi doonaan fulinta waxyaabahii la baray.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah loogu xusayay maalinta aduunka u asteeyay maalinta bani ‘aadanimada oo shalay ku beegneyd, waxaana ujeedka maalintaas lagu sheegay boorinta iyo dhiiragalinta dadka ka shaqeeya gar-gaarka insaaniyadda iyo in la xasuususto kuwii naftooda ku waayay iyagoo u gar gaaraya dadka dhibaataysan waxa uuna sanadkaan halk ku dhig uga dhigtay Qaramada Midoobay (UN) “Isjecleeysiinta Bani’aadanimada Adduunka”

Waxaa lagu soo bandhigay goobtoo tababarka lagu soo xiray boorar ay ku qornaayeen fariimo ku saabsan maalintan, iyadoo ay ka mid aheyd fariin uu diraya Guddoomomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ku saabsan xuska maalintan, taasoo aheyd “Waa in aan u midoownaa una istaagnaa Caawinta Dadka Dhibaataysan”.

Ugu danbeyn ayaa waxaa goobta ka hadlay guddomiye kuxigeenka dhanka siyaasadda iyo dimuquraadiyeenta maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo sheegay in maamulkiisu uu waajib ku tahay ka shaqaynta arrimaha xuuqul insaanka iyo bixinta gar gaarka bani’aadanimo. Waxa uu goobta ka balan qaaday in ay ka go’antahay in la xaqiijiyo xuquuqaha kala duwan sida kuwa bulshada iyo shaqaalaha maamulka Gobolka.

Gabagabadii Tababarka ayaa loo qeybiyaay ka qeyb galyaasha shahaadooyin cadeyn u ahaa ka qeyb galkooda tababarka labada maalin, iyadoo wajiyadooda laga dheehan karay farxad aad u weyn.

tababar (3)tababar (4)tababar (5)tababar (6)tababar (7)tababar (8)

SHARE