Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku wajahan dalka Kenya

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu booqasho ku tago dalka Kenya, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Korir SingOei oo la kulmay wafdi ka socday xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya.

Markii ugu horreysay ayey noqon doontaa oo raysal wasaare Xamsa uu tago Nairobi isagoo Ra’iisul Wasaare ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 25kii Juun 2022.

Waxaan ka wada hadalnay booqasho rasmi ah oo uu dhawaan ku imaan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.” Ayuu yiri Korir SingOei.

Safarka raysal wasaare Xamse ayaa la filayaa inuu ku saabsan yahay, dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada dal oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah, duulista, ganacsiga iyo maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dal.

Dhawaan wasiirka beeraha Kenya ayaa sheegay in bisha May ay Soomaaliya iyo Kenya wada gali doonaan heshiis ganacsi oo ku saabsan Qaadka Miirowga ee Kenya ay usoo dhoofiso Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05.05.2024}

Axad 5, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali...

{DAAWO MUQAALKA} iiraan oo ka Faaideeysato Shidaalka iyadoo ay saaran tahay Cunaqabateeynta Mareeykanka.

Axad 5, May 2024 {HMC} iiraan oo ka Faaideeysato Shidaalka iyadoo ay saaran tahay Cunaqabateeynta Mareeykanka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/G7UoX3-hv1Q

WARARKA