Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Laftagareen oo isaga tagay Muqdisho kuna laabtay Baydhabo kaddib markii

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC}  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha Koonfur Galbeed  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa iyo Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ,wasiiro, xildhibaano, saraakiisha hay,addaha amniga iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud kuso dhaweeyay wafdiga madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaana maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho uu u tagay ka qeyb galka shirkii golaha Wadatashiga Qaran uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, balse markii dambe u baaqday cillado farsamo.

Muqdisho waxaa ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana magaalada imaan oo wararku sheegayaan in dartiis u baaqday shirkii golaha Wadatashiga Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Shirka baaqday ee golaha Wadatashiga Qaran ayaan wali la shaacin xilliga uu qabsoomi doono, waxa ayna madaxda maamul goboleedyada hadda bilaabeen in ay dib ugu laabtaan deegaannadooda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04-05-2024}

Sabti 4, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Yaasiin Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya””Taliska Booliska

Sabti-4-May-2024 {HMC} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya""Taliska Booliska HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/QyOJvEC1pNI

WARARKA