Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

Booliska Dalka Kenya oo loo haysto dilka in ka badan 100 qof oo Shacab ah

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} – Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Kenya iyo kuwa caalamiga ah ayaa warbixin ay soo saareen maanta ku sheegay in 118 qof ay dhibanayaal u yihiin dilal sharci darro ah oo ay geysteen booliska Kenya.

Dilalkan ayaa la sheegay in booliska uu geystay sannadkii hore, iyagoo cambaareeyay waxa ay ugu yeereen “isla xisaabtan la’aanta” ay weli ciidamada ammaanku ku naalloonayaan.

Waxay intaa ku dareen in tiradani ay hoos u dhacday boqolkiiba sagaal marka loo eego sannadkii 2022 oo ay tiradu aheyd 120, halka tirada “dadka lagu la’yahay afduubka qarsoodiga ah” ay hoos u dhacday in ka badan kala bar ilaa 10 xaaladood isla muddadaas.

Ku dhawaad kala bar dilalka ayaa dhacay intii lagu guda jiray howl-gallada ka dhanka ah dambiyada, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen hay’ado ay ka mid yihiin Human Rights Watch, Amnesty International Kenya iyo kooxda Kenyanka ah ee la yiraahdo Missing Voices.

Kooxahan ayaa sheegay in 45 qof oo kale lagu dilay dibad-baxyo ay soo qaban qaabiyeen mucaaradka Kenya intii u dhaxeysay bilihii March iyo July ee sannadkii hore, kuwaasi oo ka cabanayay qiimaha sare ee nolosha.

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda madaxweyne William Ruto ayaa waxaa ka dhacay rabshado iyo dhac goos goos ah, waxaana mucaaradka iyo kooxaha xuquuqul insaanka ay ku eedeeyeen booliska inay isticmaaleen awood xad dhaaf ah.

“Sarkaalka bilayska ayaa dhif iyo naadir ah loogu xiraa ka qayb qaadashada dilalka sharci-darrada ah iyo dadla lagu la’yahay afduubka qarsoodiga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Afhayeenka booliska qaranka Resila Onyango kama aysan jawaabin codsiyada AFP ee ah inay arrintan ka hadasho.

Tan iyo markii la doortay 2022, Ruto wuxuu ku cel-celiyay inuu doonayo inuu joojiyo rabshadaha iyo dhaqamada sharci darrada ah ee ay ku kacayaan saraakiisha sharci fulinta.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa inta badan ku eedeeya booliska Kenya in ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah, ayna fuliyaan dilal sharci darro ah, gaar ahaan xaafadaha isku raranta ah.

Waxaa sidoo kale horay loogu eedeeyay in ay boolisku ay leeyihiin kooxo geysta dilal qarsoodi oo bartilmaameedsada dadka ay ka midka yihiin u dhaqdhaqaayesha xaquuqda aadanaha iyo qareennada baaraya xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee bilaysku.

“Waa run in dad badan oo Kenyaan ah aan ku weynay dilal sharci darro ah, sidoo kale waa run in dad badan oo Kenyan ah aan ku weynay dilal siyaasadeed,” ayuu Axaddii yiri madaxweynaha Ruto, isaga oo intaas raaciyay “Mar dambe ma dhici doonto dil sharci darro ah ama dilal siyaasadeed.”

Bishii Oktoobar 2022, Ruto ayaa ballan qaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono shaqada bilayska wuxuuna ku dhawaaqay in la baabi’inayo Unugga Adeegga Gaarka ah ee laga cabsado (SSU) oo xubnahooda lagu eedeeyay dilalka iyo afduubka dadka la waayay.

Sida laga soo xigtay Voices Missing, 1,350 qof ayaa ku dhintay gacanta saraakiisha booliska tan iyo markii ay bilowday xog ururinta 2007-dii.

Inasta oo ay yar tahay caddaaladda la xisaabsan ka booliska, haddana bishii February ee sannadkii hore saddex sarkaal oo boolis ah ayaa lagu xukumay xukunno u dhexeeya 24 sano oo xadhig ah iyo ciqaab dil ah, kadib markii lagu helay dil ay sannadkii 2016-kii u geysteen saddex qof oo uu ku jiro qareen.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04-05-2024}

Sabti 4, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Yaasiin Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya””Taliska Booliska

Sabti-4-May-2024 {HMC} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya""Taliska Booliska HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/QyOJvEC1pNI

WARARKA