{DAAWO SAWIRADA} Sacuudiga oo Guul mucjiso ah ka gaaray ciyaarti dhexmartay xulka Argentina

0
87

Talaado November 22 2022 {HMC} Natiijo cayaareed oo sanado badan ay taariikhda xusi doonto ayaa halkaasi oo uu ka socdo Koobka Kubadda Cagta Adduunka 2022.

 

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray dalka Argentina oo ay isku arkeen cayaar ka tirsaneyd Group C, ayaga oo kaga adkaaday 2-1. ka dib cayaar ka dhacday ka dhacday magaalada Lusail ee dalka Qatar

 

Ma jirto cid fileysay in Sacuudiga ay ka adkaan doonaan Argentina iyo Lionel Messi, oo dad badan ay u arkaan cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee abid cayaara kubadda cagta, taa beddelkeed waxaa su’aasha ay ka taagneyd imisa gool ayaa laga dhalin doonaa Sacuudiga?

 

Daqiiqaddii 10-aad ee cayaartaba, waxaa durba xisaabta dhallinta billaabay Argentina, oo Lionel Messi uu u dhaliyey rigoore, waxaana kadib filashadu ay aheyd imisa gool ayey Argentina raacin doonaan.

 

Argentina kadib waxay dhaliyeen saddex gool, oo dhammaantood la diiday sababtoo ah waxay ahaayeen ama offside, waxaana qeybtii hore ee cayaarta ay ku idlaatay 1-0 oo Argentina ay ku hoggaaminayeen.

 

Balse, qeybtii labaad ee cayaarta ayaa dunida waxay aragtay wax mucjiso ah maalmo, toddobaadyo, bilo iyo sanado badan laha sheekeyn doono. Sacuudi Carabiya ayaa dhalisay laba gool oo deg deg ah, daqiiqaddii 49-aad iyo 53-aad, oo ay kala saxiixeen Saleh Al-Shehri iyo Salem Al-Dawsari.

 

Argentina oo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayey iney qaadi doonaan koobka aduunka ayaa kadib billaabay weerar badan, balse Sacuudiga ayaa si qurux badan u difaacatamay, waxaana kabtan Messi iyo kooxdiisa ku adkaatay inay mar labaad taabtaan shabaqa Sacuudiga.