fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKADad ku dhaawacmay dagaalka Magaalada Laas-Caanood oo la keenay Muqdisho

Dad ku dhaawacmay dagaalka Magaalada Laas-Caanood oo la keenay Muqdisho

Talada 20 March 2023 {HMC} Hay’adda Maareynta musiibooyinka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho keentay 17 Ruux oo kamid ah dadka ku waxyeeloobay dagaallada ka socda magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dadkaan ayaa diyaarad waxaa ay kasoo qaaday Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nuaal, waxaana markii la keenay Magaalada Muqdisho si deg deg ah loogu gudbiyay qaar kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Xarunta Qaran ee gurmadka deg dega ah ee Hay’adda Maareynta musiibooyinka dowladda Xasan Ciise oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka dhaawacyadooda ay yihiin kuwo culus, isla markaana Muqdisho daryeel caafimaad loogu sameyn doono.

Waa markii Afaraad oo Hay’adda maareynta musiibooyinka dowadda Federaalka Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho keento qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaallada ka socda Magaalada Laas-Caanood ee u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ee la Magac baxay SSC.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo cod

0
Arbaco-4-October-2023-{HMC} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo codMaxamuud Caydiid Dirir Wasiirka warfaafinta ee maamul Puntland, ayaa ku adkaystay inay qabanayaan doorasho qof...