El-Clasico, Lionel Messi Ayaa Soo Dhameystiray Kooxdii Ugu Wacneyd Abid El-claiso, Meeqa Ciyaartoy Ayeey Kooxskasta Kuyeelatay Madrid iyo Barcelona

    0
    482

    Lionel Messi ayaa shaaca laga qaaday in uu booskii ugu danbeeyay ee Gool dhaliyihii ebid ugu fiicnaa Elclasico uu buuxiyay, isagoo si raaxo leh tartan uga guuleystay Raul iyo Ronaldo.

    Xiddiga reer Argentina ayaa sadaxeeyay weerarka ay uga horeeyeen Cristiano Ronaldo iyo Ronaldinho ka dib markii ay heleen codadka shaxabka ee kooxda horaantii isbuucaan.

    Messi ayaa helay boqolkiiba 64 in ka badan 50,000 oo cod, iyadoo luis Ronaldo uu qaatay kaalinta labaad isagoo helay 16%.
    Halyeeyga, Madrid Raul ayaa si ciriiri ah kuhelay codad 15% ahaa, halka Samuel Eto’o, Hugo Sanchez, Ladislao Kuala iyo Ferenc Puskas loo tiriyay kaliya 5% cod.

    Qofna madhalin goolal ka badan Clasico inta uu Messi dhaliyay- 21 gool tartamada oo dhan, waxaana ku soo xiga Alfredo Di Stefano (18) iyo Raul iyo Cristiano Ronaldo (labadaba 15). Haddii taam uu unoqdo, 28-sano jirkan kulanka soo socda wuxuu kordhisan karaa goolasha uu kahoreeyo Di Stefano.

    Shaxda Shacaka ay Ucodeeyeen Kooxdii ugu wanaagsaneyd El-Clasico,

    Goolhaye, Iker Casillas,

    Dafaacyada Dani Alves, Carles Puyol, Sergio Ramos, Roberto Carlos,

    Qadka Dhexe, Sergio Busquets, Xavi, Zidane,

    Weerarka , Ronaldinho, Cristiano Ronaldo iyo Leo Messi