laamaha Amniga oo Muqdisho ku burburiyay wax yaabaha Maanka Dooriya iyo ragii la socday

    0
    khamiis September 22, 2022 {HMC} Howlgal saacado badan qaatay ayna hoggaaminayeeen Taliyaha qeybta Bari, Taliyaha Saldhiga Booliiska Yaqshiid iyo guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa waxaa ay ciidmada boolisku ka sameeyeen waqooyiga magaalada Muqdisho oo ay mudooyinkii dambe ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga Caasimadda
    Howlgalkaan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen Aaga Isgoyska Fagax ee kala qeybiya degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid waxa ayna ciidamadu kula dagaalamayeen Ciyaal weerada iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa ka ganacsada
    Intii ay howlgalka ay ku guda jireen ciidamada ayaa waxa u bur buriyeen goobo lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya ee ku yaalla isgoyska Fagax, waxaana ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dad isticmaalayay iyo dadkii iibinayay, iyada oo Saraakiisha ciidamada ay sheegeen in howlgalkaan uu ahaa mid lagula dagaalamayay kooxaha ciyaal weerada ah, kooxaha hubeysan ee wadada falalka lidiga ku ah amniga iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha.
    Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimacaale oo tegay goobta uu howlgalku ka socday lana hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaan oo saacada badan qaatay ay ku guuleysteen inay burburiyaan sandaqado ama goobo lagu iibiyo calaqa waxa uuna digniin udiray dadka ka ganacsada maandooriyaha asigoona sheegay in marnaba la aqbali dooninin in muqdisho lagu dhex iibiyo mukhadaraaadka
    Howlgalkaan ay ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka dhaca Waqooyiga gobalka Banaadir ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgallada ciidamada booliisku ay ka wadaan degmooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir oo ay kula dagaalamayaaan Ciyaal weerada iyo ka ganacsiga Maandooriyaha, iyadoona dhinaca kalena ay xusid mudan tahay inay jiraan falal amniga lidi ku ah ee ka dhaca degmooyinka qaar balse laamaha ammaanka ayaa sheegay inay soo afjari doonaan dadka wada khal khal gelinta Amniga.
    SHARE