Meydka Taliyihii booliska gobolka banadir Farxaan Qaroole oo Muqdisho lagu aasayo maanta

    0
    29
    Sabti October 1, 2022 {HMC} Waxaa saakay lagu wadaa in qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aaso, allaha u naxariistee meydka taliyihii hore booliiskja gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Qaroole, oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra.
    Madaxda dalka ugu sareysa iyo masuuliyiin kala duwan ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan salaada janaasada ee lagu dukanayo meydka marxuum jeneraal Farxaan Qaroole taliyihii ciidanka booliiska gobolka Banaadir.
    Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saakay loo xiray aaska meydka Jeneraalka, waxaana la adkeeyay ammaanka inta ay socoto aaska Qaran ee loo sameenayo Jeneraal Qaroole.
    Madaxda dalka ugu sareysa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn uga naxay ugana tacsiyadeeyay geerida taliye Farxaan Qaroole oo qarax miino shalay lagu dilay, waxaana geerida sargaalkan si weyn looga dareemay guud ahaan Soomaaliya.
    Farxaan Maxamuud Aadan Farxaan Qaroole ayaa ku dhintay qarax miino dhulka lagu aasay, oo ka dhacay deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,