SAWIRRO:.Laamaha Amaanka iyo Maamulka Matabaan oo Gacanta kusoo dhigay Burcad xoolo soo dhacay.
Saldhiga Booliska Magaalada Beergadiid waxaa Lagu soo bandhigay 9 neef oo Geel ah kuwaas oo koox Burcad ah ay kasoo ka xeeysteen qaab xatooyo ah deegaano hoos yimaado degmada Matabaan, xogtan geella oo ay la wadaageeyn shacabka Degmada beergadiid Ciidamada amaanka waxaa lagu guuleeystay in geela ay Ciidamada gacanta kusoo dhigaan iyadoona ay baxsadeeyn kooxahii burcad ahaaa.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska degmada Matabaan Xiirane Cabdullaahi Geesaale oo Fuliyey howlgalka xoolahan lagu soo qabtay ayaa Faah faahin ka bixiyey sida ay ugu sooragashay in Ciidamada gacanta kusoo dhigaan xoolahii lasoo dhacay.
Gudoomiyaha Beergadiid Dirir Samater ayaa shacabka ugu baaqay in leeyska ilaaliyo burcadka dhacayo xoolaha waxaana u mahad celiyey Ciidamada Amaanka.
Intaasi kadib Maamulka degmada Matabaan iyo saraakiisha Ciidamada ayaa galay Safar dhulka ah si ay ugu wareejiyaan muwaadinkii xoolaha lahaa, si looga fogaado in dhibaato kale dhacdo.
Cabdi Cabdullaahi Canshur oo ahaa shaqsiga xoolaha laga soo xaday ayaa ugu dambeyn lagu wareejiyey, waxaana uu sheegay in uu ad ugu faraxsan yahay in xoolahii muda badan raadinayey gacantiisa ay soo galaan.
Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan Labo xiigle xasan maxamuud xirse ayaa sheegay in Booliska mar walba u taagan yahiin kala bad baadinta Bulshada, Asiganoona sheegay in muhiim ay tahay in lala shaqeeyo shacabka
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada Matabaan Duacalle aadan Cabdi ayaa bogaadiyey Talaabada Ciidamada amaanka iyo shacabka Beergadid ay sameeyen, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga hortago wax walba oo xasilooni amaan u keeni karo Nabada degmada Matabaan.
