Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Tiro Caruur ah oo Baladweyne ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka.

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Cudurka shuban Biyoodka ayaa ka Dilaaacay Afarta Xaafadooda ay ka Kooban tahay Magaalada Baladweyne iyo Deegaanada hoos yimaada,

Dadka ku sugan Kaamamka Barakacayaasha iyo kuwa kuwa Danta yar ee aanan awoodin Adeegyadii aas aasiga ah ayuuna Cudurkan ku Badnaa Goobaha ay Dagan yihiin,

Mid kamid ah Kaamamka ku yaallo Xaafada Kooshin ee magaalada Baladweyne Caruur ayaa ugu geeriyootay Cudurka shuban Biyoodka Sida ay waalidiintooda HIiraanweyn usheeay, kuwaas oo heli waayay Daryeel Caafimaad, markii uu Cudurkan ku dhacay.

Deeqa Cali kaalmooy oo kamid Barakacayaasha ku noo xaafada kooshin ee Magaalada Baladweyn ayaa Hiiraanweyn u sheektay in Cunug ay ayeeyo u tahay in Cudurkan shubiyoodka uu u Geeriyooday.

Dhinaca kalane Dadka ku jiro Kaamamka Barakacaayasha ee ku yaallo Magaalada Baladweyne ayaa Hiraanweyn u sheegay in Cudurka Shuban biyoodka uu maalmihii ugu Dambeeyey uu soo Ridanay Caruurta yaryar,

inkastoo aanan la Ogeeyn Tirada Rasmiga ah ee cudurka uu soo Ritay iyo inta u Geeriyootay hadane waxaa Jiro Goobo Gaar ah oo Dadka lagula tacaalayo.

dhaqaatiirta ka howl gasha isbitaalka shacab ee ku yaalla Xaafada Howl wadaag ayaa Hiiraanweyn la wadaagay in isbitaalka lasoo Gaarsiiyey illaa 120 qofood oo qaba Cudurka iyo Geerida afar qof oo kale

Dr ibaarahim Cismaan Deeriye oo ah madaxa la tacaalida Cudurka shuban biyoodka ee Isbitalka shacaab ayaa sheegay in ay Diyaariyeen Goobo Gaar ah oo ay Dadka ay kula tacaalayaan,

Cudurka shuban Biyoodka ayaa Dillaacay Kadibkii Fataahadii ku dhufatay Magaalada Baladweyne iyadoona dhaqaatiirta ay horay Digniino kala Duwan ay ugu soo saareen.

Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle ugu Magacaaban Magaalada Baladweyne oo Hiiraanweyn ay xariirtay ayaa sheegay in uusan hayn xog Rasmi ah oo Bulshada la wadaagaan gaar ahaan Tirada dhimashada iyo kuwa uu soo ritay Cudurkan lakiin dadaal ay wadaan oo kali ah.

Sidoo kale Dhaqaatiirta Gacanta ku haysa Xarun gaar ah oo Ceeljaale ku taalla oo iyadane Shubanka loogu tala-galay ayaa sheegay in aysan Warbaahinta la hadle Karin Cabsi ay ka qabaan Hay’ada Maamusho Xaruntan. Oo xitaa aysan bixin Karin Wacyigalin la xariirta qatarta Shuban-biyoodka iyo sida ay dadka iskaga ilaalin karaan

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad

Isniin 20 May 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6Pc5C-qF1sI

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024

Isniin 20 May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_qiVx6nwsmE

WARARKA