Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo xogta waxii ay kawaa hadleen

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal

 

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Qatar ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar

 

Sida aan xogaha ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Amiirka dalka Qatar kala hadlay xaalada kusoo korortay Soomaaliya , gaar ahaan heshiis beenaadka ay Adis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana Amiirka dalka Qatra ka codsaday in Soomaaliya ku garab istaagaan ilaalinta midnimadooda dhuleed, sidoo kale cambaareeyaan xad-gudbka dowladda Itoobiya ku dooneyso qaadashada biyaha Soomaaliya

 

Soomaaliya ayaa taageero caalami ah u raadineysa sidii dowladda Itoobiya looga hor-istaagi lahaa damaceeda guracan ee ku dooneyso in ay ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, si ay u hesho dekad ay iyadu maamusho.

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad

Isniin 20 May 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6Pc5C-qF1sI

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024

Isniin 20 May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_qiVx6nwsmE

WARARKA