Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa looga Hadlay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka?

Arbaco jan-3 2024-{HMC}Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xalay shir deg-deg ah ka yeeshay heshiiskii badda ee lagu saxiixay Addis Ababa, kaas oo dhex-maray madaxweymaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

 

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ku qabsoomay aaladda Zoom-ka, waxaana guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale

 

Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay heshiiskii Addis Ababa, waxayna madaxdu kasoo saareen illaa 5 qodob, sida lagu caddeeyay war-murtiyeedka

 

Ugu horreyn goluhu wuxuu kasoo horjeestay heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna caddeeyay inuu xadgudub ku yahay Soomaaliya, maadaama qayb kamid ah baddeeda ka siiyay dowladda Itoobiya

 

Golaha ayaa sidoo kale taageeray qaraarka xukuumadda Soomaaliya iyo xeerka baarlamaanka ee ku aadan heshiiskaas ee shalay soo baxay

 

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan reer Somaliland ugu baaqay inay midoobaan, kana soo horjeestaan heshiiska Addis Ababa

 

Ugu dambeyn xubnaha golaha ayaa farriin culus u diray Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka waxayna ka dalbadeen inay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta gobanimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad

Isniin 20 May 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6Pc5C-qF1sI

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024

Isniin 20 May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_qiVx6nwsmE

WARARKA