Monday, May 20, 2024
spot_imgspot_img

Wiil ay dhashay Marxuumad Khadiijo Max’ed Diiriye oo Muqdisho ku geeriyooday

Arbaco-20- March-2024 {HMC} Mahdi Duco Qabe oo ahaa wiil ay dhashey Wasiiradii hore ee haweenka Xukuumada Somalia marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa caawa ku geeriyoodey Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Mahdi oo kubad soo ciyaarey ay si deg deg ah xaaladiisa u xumaatay ka dib markii uu afka ubur ka keenay.

Xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay in markii dambe loola cararey isbitaalka Yardemeli ee degmada Xamar jajab halkaasoo ugu dambeyn uu ku geeriyoodey.

Geerida Mahdi duco qabe oo aad looga naxay iyo tacsida loo dirayo ayaa isqabsatay baraha bulshada, wax badana kama dambeyn hooyadiis oo saddex bilood si lama filaan ah ugu xijaabatay dalka Jabuuti ka dib markii uu ku soo booday xanuun deg deg ah

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad

Isniin 20 May 2024 {HMC}  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6Pc5C-qF1sI

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024

Isniin 20 May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya Iyo Caalamka 20/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_qiVx6nwsmE

WARARKA