Isniin May-29-2023-{HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta Howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Inta uu howlgalka socday waxaa Ciidanku ay la kulmen dadka deganka ee ku dhaqan deganka ceel dhiintaar shacabka ayaa si diiran u so dhaweyay ciidanka Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya sida ay Warbaahinta u sheegeen saraakiisha hogaamineysay Ciidamada Howlgalka qaaday .
Taliye ku xigenka Ururka 7-aad, guutada 16-aad Kumaandooska DANAB Maxamad Xasan abuukar dhala dhere oo hogaaminayay Howlgalka ayaa guulo ka sheegtay Howlgalkii maanta ay fuliyeen ciidamada Danab.