Tuesday, May 7, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo Shaacisay tirada askarta looga laayay howlgalla dhulka ee ka socda Gaza

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Ciidamada milatariga Israa’iil ee weerarka dhinaca dhulka ah ku galay qeybo kamid ah magaalada Gaza ayaa la kulmay iska caabin xooggan, waxaana dagaalka socda lagu gaarsiiyay khasaarooyin badan.

Xoogaga iska caabinta ee Xamaas ayaana jilbaha u dhigtay ciidamada Israa’iil ee duullaanka ku qaaday magaalada Gaza, waxa ayna dagaalyahannada dileen askar badan ,halka ay bur buriyeen taangiyo iyo gaadiid kale oo ay wateen ciidamada.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku xaqiijiyeen in howlgaadii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen magaalada Gaza looga dilay ilaa 9-asjari, waxa ayna sheegeen in askartan da’dooda u dhaxeyso 19-sanno jir ilaa 35-sanno jir.

Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale qirtay in howlgalka dhinaca dhulka ah ay Gaza ku galeen tirada askarta looga dilay hadda gaareyso 185 askari, halka tiro intaas kabadana dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Israa’iil ayaana dagaalka ay kula jirto kooxda Xamaas noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee gasho muddooyinkan, waxaana horey weerarkii dhacay 7-dii bishii October ee sannadkii hore Israa’iil laga dilay dad ka badan 1200-qof oo isugu jiray askar iyo shacab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07-05-2024}

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/H3cAV5_rDgc

WARARKA