Jimco 31 March 2023 {HMC} Eedeymo danbiyeed ayaa lagu soo oogaya Donald Trump xilli maxkamadeyntiisa lagu wado inay ka dhacdo magaalada New York, taasoo ka dhigaysa inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee taariikhda lagu soo oogo dambiyo.
Waxay eedeymahan la xiriiraan doorka Mr Trump uu ka qaatay lacag la siiyay xiddig hore oo jili jirtay filimada galmada, taasoo lagu magacaabo Stormy Daniels.
Waxaa lagu eedeeyay in lacagta la siiyay haweeneydaas ka hor doorashadii sanadkii 2016 ka dhacday Mareykanka si ay uga aamusto arrin lagu eedeeyay si aysan u fadeexeyn.
ilaa iyo hadda si rasmi ah looma soo saarin kiiska lagu soo oogayo Trump.
Xeerbeegti ayaa u codeysay in dacwad lagu soo oogo Trump kadib markii ay baaritaan ku sameeyeen lacag dhan $130,000 doolar oo uu siiyay Stormy Daniels isku day uu ku doonayay in uu ku aamusiyo si aanay u fadeexeyn.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg, oo baaritaanka ku waday Trump, ayaa xaqiijiyay inuu la xiriiray qareenkiisa si uu “iskugu dubbarido sidii uu isku soo dhiibi lahaa” .
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, oo ku nool gobolka Florida, ayaa lagu wadaa in Isniinta uu u duulo magaalada New York , waxaa la filayaa in Talaadada lasoo taago maxkamad, sida ilo wareedyo si dhaw ula socdo arrintaas ay u sheegeen warbaahinta CBS Eedeymaha loo heysto Trump waxaa laga hor akhrin doonaa maxkamadda ilaa 10 iyo 15 daqiiqo.
Waxaa dhici kartaa in Trump faraha laga qaado isla markaana la sawirro, taasoo oo la marsiiyo dadka lagu eedeeyay dambiyada.
Mr Trump oo 76 jir ah, ayaa ku celceliyay inuusan waxba dambi ah galin, isagoo ku tilmaamay eedeymaha loo haysto ‘faragelin siyaasadeed iyo mid doorasho’.
Mike Pence, oo soo noqday madaxweyne ku xigeen xilligii Mr Trump, ayaa ku tilmaamay tallaabada garsoorayasha mid caro leh.
Qareenka Mr Trump, Susan Necheles, war ay soo saartay waxay ku tiri: “Ma uusan gelin wax dambi ah, si adag ayaan ula dagaalami doonaa dacwadaha siyaasadeed ee yaalla maxkamada.”
Mr Trump wuxuu beeniyay in wax xiriir ah uu kala dhexeeyay Stormy Daniels
Stormy Daniels waxa ay sheegtay in ay la seexatay Trump sanadkii 20016-kii, muddo ka hor intii uusan madaxweynenimada isu sharixin, xilligaas oo daadihiye ka ahaa barnaamijka taleefishinka ka baxa ee The Apprentice.
Balse Trump ayaa beeniyay waxa dhacay, oo la sheegay in ay arrinta dhacday xilli xaaskiisa Melania ay uur ahayd wiilkooda.
Balse dhibka jira ayaa ah in Trump uu gabadhan siiyay $130,000 maalmo ka hor ololihii doorashada si ay u aamusto.
Waxaa lacagta bixiyay abukaataha Trump Michael Cohen , waxaana jiray hadalo is burinaya oo kasoo kala baxay labada nin.
Stormy ayaa xaalka uga sii dartay kadib markii ay furatay gal dacwadeed ay ku eedeyneyso Trump.
Dacwaddan ayaa saameyn kartaa tartanka Trump uu ugu jiro doorashada madaxtinimo ee 2024-ta ka dhaceyso Mareykanka, Mr Trump ayaa hadda ah musharaxa ugu cadcad dhammaan musharaxiinta u tartameysa Aqalka Cad ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.
Mareykanka kama jiro sharci u diidaya musharraxa lagu helo dambi in uu sii wato ololahiisa doorashada-xitaa haddii xabsi la geeyo.
Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa soo dhaweeyay dacwadda lagu soo oogaya Turmp, waxay sheegeen in tallaabadan ay muujineyso in aysan jirin cid ka sarreysa sharciga.
Trump wuxuu sidoo kale wajahaya baaritaan ku aadan kiisas kale oo loo heysto, waxaana kamid rabshadihii ka dhacay xarunta Capitol bishii January sanadkii 2021-kii.