Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xulka Qaranka Kubada Kolayga Soomaaliya oo Galabta Ciyaaraya Afar Dhamaadka Tartanka 25aad ee Jaamacadda Carabta

isniin jan-1-2024-{HMC} Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha K/koleyga ayaa ka qayb galaya tartanka ciyaaraha jaamacadda Carabta oo ay ku loolamayaan 9 dal oo kala ah: Somalia, Egypt, Marocco, Libiya, Aljeriya,, Mauritania, Tunisia, Kuwait, iyo UAE waxaana kooxda Soomaalida ay ciyaareen 3dex ciyaarood oo mid ka mid ah ay ka badiyeen Mauritania, halka Labana ay naga adkaadeen Algeria iyo Libiya.

 

Waxaa ii suuro gashay inaan si toos ah ula xiriiro tababaraha xulka qaranka ee wiilasha k/koleyga Cabdulqadir Xaaji Dahir ( Shiikha) kana waraysto sida ay kooxdan ugu suuro gashay ka qayb Galka tartanka, diyaargarowgooda, cidda caawisay, iyo rajada ay ka qaban tartanka.

 

Macallin Shiikha oo arrimahaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri: Alxamdu lillah , Dhallinyaradan Waxaan ka soo ururinay meelo kala duwan, waxay ka kala yimaadeen Somalia, Europe, Amerika iyo qaar ka iman lahaa Canada oo aysan suuro galin inay na soo gaaraan, Diyaargarowga ciyaartooyda iyo is la joogooda aad buu u yaraa waxaana ay ahayd caqabadihii naga hor yimid oo dhaliyay in kooxo aan ka adkaan karnay ay naga adkaadeen….

 

Dhinaca kale, markaan ka hadlo xaqiiqda cid taakulaysay ciyaartooydan ma jirto, dhanka dawladda , wasaaradda isboortiga, xataa XIriirka Soomaaliyeed ee K/ Koleyga waxaa uu ka gaystay gacan aad u yar…Waxaa la yaab leh dhallinyaradan ciyaaraysay in dhammaantood ay iska soo bixiyeen kharashaadka tikidhka diyaaradda iyo baasabooradii Soomaaliga ahaa inay lacagtooda ku bixiyeen ( Waa Cajiib), Marka dhallinyaradan Guul iyo Guul daro waxaa ay mudan yihiin in Loo Mahad naqo, waayo waa Waddaniyiin ay tahay in loogu hambalyeeyo ciyaar wanaaggii ay halkaasi la tageen waxaana ay ahayd kooxda kaliya ee la isku raacay inay ahaayeen dhallinyaro yaryar oo muujiyay ciyaar heerkeedu aad u sarreeyay.

Waxaan kaloo weydiiyay haddii ay jireen intaasi oo dhibaato ah Maxaa idinku kalifaaya inaad ciyaaraha ka qayb gashaan?

Tababare Shiikha waxaa uu ku jawaabay, Aniga ka tababare ahaan hawsha aan hayo oo isxilqaanka ah Waa mid aan ugu abaal gudayo qarankayga oo waqti badan I soo galiyay ina soo gaarsiiyay heerkan aan ka gaaray k/koleyga, waxaanse is weydiiyaa ilaa waqtigee ayaad wadi kartaa haddii aysan jirin wax taakulo ah oo ka yimaada dawladda, wasaaradda isboortiga , Olimbikada iyo xiriirka K/Koleyga, Dhinaca kale ciyaartooyda is xilqaantay waa kuwa raba inay la tartamaan asaagooda oo wax walba haysta, tusiyaan inay yihiin dhallinyaro xirfad wanaagsan u leh ciyaarta , sare u qaadaan sumcadda iyo magaca dalkooda iyo inay laftigooda ka helaan fursado ay ugu ciyaaraan dibadaha.

Ma ka qayb galaysaan ciyaaro kale oo calami ah Tababre Shiikha ayaan waydiiyey waxuuna iigu jawaabay sidatan “Haa waa ay jiraan ciyaaro kale oo lagu qabanayo Madagaskar dhammaadka bishan Janaury 2024 oo ah isreeb reebka Cayaaraha All African games, ma filayo in laga qayb galayo haddii aan Loo helin dhallinyarada dhaqaalaha Loo baahan yahay.

Ugu dambayntii Yaad u mahadcelinayaa?

Waxaan aad ugu Mahad celinayaa ganscsatadii aan la’aantooda noo suuro gasheen ka qaybgalka tartanka oo noo muujiyay taageero dhaqaale oo wayn sida : Bille Bus Transportation, Live Health Care Services, iyo Shirkadda A to Z oo la shaqaysa XSKK oo iyaguna noogu deeqay Qalabkii ay ku ciyaarayeen Wiilashii K/ Koleyga.

Sidoo kalena xawaaladaha Taaj Services, Dahabshiil, Afro Deli iyo shakhsiyaad ay ka mid ahaayeen Abdul Xaax iyo Asad iimaanka oo iyaguna na caawiyay waxaan isagana u mahadcelinaynaa Mohamed Hussein oo leh companiga PGLS oo taageero wayn xulka u gaystay.

Waxaa iyaguna Ammaan aan la soo koobi Karin leh safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar caasimada Qaahiraoo noo muujiyay taageero aad u weyn ayuu yiri macalin shiikha.

Galabta ayaa filayaa in xulka qaranka Soomaaliya la ciyaaro kan xulka Tunisia ciyaarta afar dhamaadka.

{DAAWO MUQAALKA} Qarax Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Duleedka Baladweyne.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Qarax Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Duleedka Baladweyne. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA   https://youtu.be/VZgO8XBBYlY

{DAAWO MUQAALKA} Dahabka Soomaaliya laga dhoofiyo iyo gobalada laga soo saaro

Talaado-30-April -2024 {HMC} Dahabka Soomaaliya laga dhoofiyo iyo gobalada laga soo saaro HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/Jy0QQyvmvcw

WARARKA