Tuesday, May 7, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iney wada hadal furaan

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo kala dhax galay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay heshiis beenaad uu Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya kula galay magaalada Adis Ababa Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Soomaaliya ayaana si weyn uga carrootay ugana hor-timid heshiiska ka dhacay Adis Ababa oo Itoobiya lagu siiyay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaana labada dal soo kala dhax galay khilaaf siyaasadeed gaaray meeshii ugu xumeyd.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku boorriyay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya in ay kawada hadlaan muranka siyaasadeed ee ka dhashay heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

“Waxaa mar walba ina haga qawaaniin, qawaaniinteennuna waxay la xiriiraan midnimo, geyiga iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka, oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaana labada dal ugu baaqayaa in xiisada jirta wada xaajood ka galaan ” ayuu yiri Guterres.

Dowladda Soomaaliya ayaana diiday in wadahadal kala gasho arrinta heshiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa ayna dowladda wadahadal ay la galaan xukuumadda Itoobiya ku xirtay shuruud ah in marka hore raali-gelin bixiso Itoobiya.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/H3cAV5_rDgc

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 07/05/2024

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 07/05/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/33It-DNrykc

WARARKA