Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Dab xooggan ooo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Jimco 5, April ,2024 {HMC} – Dab xooggan ayaa saaka ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa waxa uu si gaar ah uga kacay qeybta loo yaqaano Dahablaha, waxaana la sheegayaa in dabka uu xawli ku socdo, uuna kusii fidi karo qeybo kale oo suuqa.

Lama ogga waxa sababay, waxaana ganacsatada aysan weli helin wax gurmad ah, xilli uu dabka si xawli ah ku socdo.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkada Hormuud ayaa laga dalbaday gurmad deg deg ah, sida ay sheegeen ganacsatada suuqa.

Dhaq-dhaqaaqa suuqa qeybo kamid ah ayaa sidoo kale hakad galay, waxaana saameyn guud ku yeeshay dabka saaka ka kacay halkaasi, wuxuuna kusoo aadaya xilli loo diyaar-garoobayo munaasabadda Ciidul Fidriga ee fooda nagu soo haysa.

 

Si kastaba, Gubashada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa marar badan soo laab-laabatay, dowladduna ma baarto sababta rasmiga ee keenta dabka sanad kasta ka kaca suuqa Bakaaraha.

{DAAWO MUQAALKA} Midoowga Yurub oo Xayiraad kusoo Rogay Dadka isticmaala Baasaboorka Itoobiya.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Midoowga Yurub oo Xayiraad kusoo Rogay Dadka isticmaala Baasaboorka Itoobiya. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/Rkae_jY-Tos

{DAAWO MUQAALKA} Qarax Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Duleedka Baladweyne.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Qarax Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Duleedka Baladweyne. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA   https://youtu.be/VZgO8XBBYlY

WARARKA