Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu ka yiri Madaxweyne Macron Xasuuqii Rwanda?

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aaminsan in Faransiiska iyo xulafadiisa reer galbeedka iyo dalalka Afrika in “ay joojin kari lahaayeen” xasuuqii Rwanda ee dhacay sannadkii 1994-kii, balse aanay xilligaasi jirin doonis ku aaddan in la joojiyo xasuuqa lagu laayey illaa 800,000 oo qof oo u badan qowmiyadda tuutsiga, sida ay baahisay madaxtooyada dalkaasi Khamiistii.

Sarkaal u hadlay madaxtooyada Faransiiska oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in muuqaal la baahin doono maalinta Axadda oo lagu beegayo 30 guurada ka soo wareegtay markii uu xasuuqaasi dhacay, in Macron, uu kaga hadlay “in markii uu bilaabmay xasuuqa ka dhanka ah Tuutsigu, in beesha caalamku ay lahayd habab ay ku ogaan karaysay ama ay wax kaga qaban karaysay xasuuqaasi”

Madaxweynaha Faransiiska ayaa aaminsan yahay in beesha caalamku ay xilligaas waayo aragnimo dheer oo taariikhi ah u lahayd xasuuqyadii caalamka hore uga soo dhacay.

Macron ayaa ku sheegaya muuqaalka la baahin doono “in Faransiiska oo tallaabo qaadi karayey iyo weliba saaxiibadiisa reer galbeedka iyo kuwa Afrika, inaanay sidaasi samaynin” sida uu sheegay sarkaalka u hadlay madaxtooyada Faransiiska ee ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Madaxweyne Macron ayaan ka qaybgeli doonin xafladda ballaadhan ee Axadda ka dhici doonta magaalada Kigali ee lagu xusi doono 30 guurada ka soo wareegtay markii xasuuqaasi dhacay, waxaa taas bedelkeeda Faransiiska meteli doonta wasiirka arrimaha debedda.

Macron ayaa sannadkii 2021, xilli uu safar ku tegey Rwanda, wuxuu qiray doorkii Faransiiska ee xasuuqaasi.

{DAAWO MUQAALKA} SSC Khaatumo oo ku eedeysay Somailand inay colaad ka hurinayso gobolka Sanaag

Talaado-30-April -2024 {HMC} SSC Khaatumo oo ku eedeysay Somailand inay colaad ka hurinayso gobolka Sanaag HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7yW6i8L9Nec

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Taariikhda Cusbitaalka guud uu soo maray,

Talaado-30-April -2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Taariikhda Cusbitaalka guud uu soo maray, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/EXPCYVEeaGY

WARARKA