Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

muxuu maamulka Somaliland Ka yiri go’aanka DF ku xireyso qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa?

Jimco-5- April 2024 {HMC} Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay go’aankii shalay ka soo baxay DF ee lagu eryey safiirkii Itoobiya u fadhiyey Somalia laguna amray iney xirto qunsuliyadaha aay ku leedahay Puntland iyo Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Rowda Jaamac Cilmi ayaa sheegtay in go’aamadda shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya aanay waxba ka khuseynin Somaliland

“Dowlada Muqdisho awood uma laha inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa” ayey tiri Rowda Jaamac Cilmi oo hadalka DF ku sifeysay wax lala yaabo.

Waxay sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan Somalia, go’aamo ka soo baxay dowlada federeaalkana aysan ka shaqeyneyn.

“Qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa markii hore kuma iman go’aan ka yimid dowladda federaalka, haddana aan lagu xiri karin” ayey intaas ku dartay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Rowda Jaamac Cilmi .

{DAAWO MUQAALKA} SSC Khaatumo oo ku eedeysay Somailand inay colaad ka hurinayso gobolka Sanaag

Talaado-30-April -2024 {HMC} SSC Khaatumo oo ku eedeysay Somailand inay colaad ka hurinayso gobolka Sanaag HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7yW6i8L9Nec

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Taariikhda Cusbitaalka guud uu soo maray,

Talaado-30-April -2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Taariikhda Cusbitaalka guud uu soo maray, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/EXPCYVEeaGY

WARARKA