Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Dagaal u dhaxeeyo labo Malleeshiyo Beeleed oo ka dhacay Xuduuda Gobolada Hiiraan iyo shabeelada dhexe.

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa galinkii danbe ee maanta ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacayada dagaalamay sidey HMC u xaqiijiyen ilo dadka degaanka.

Dagaalka ayaa ahaa mid salka ku haayay dilka aano qabiil, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii galabta maleeshiya kasoo jeeda gobalka Shabeelaha dhexe ay weerar ku qaaday dad beeraleey ah oo deegaanaka h.

Dagaal beeleedka Maleeshiyaadka kala taabacsan Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa ah mid soo laablaabtay, iyadoo ay xusid mudan tahay in tiro dhowr jeer oo hore beelahaan la dhex dhigay heshiisyo lagu dhameynayo colaadooda ka dhacay xaduuda labada gobal, kaasoo aanan si rasm ah u miro dhalin mar walba.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA