Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Dagaal udhaxeeyo Amxaarada iyo Tigray oo ka Dhacay dalka Itoobiya

Talaado 16 April ,2024 {HMC}  Dagaallo ayaa dib uga bilow day dhulka ay ku muran san yihiin maamullada gobollada Amxaaradda iyo Tigreega ee dalka Itoobiya. Aagagga ay dagaalladu dib uga bilowdeen ayaa xasiloonaa tan iyo markii la saxiixay heshiiskii nabadda ee dhammaad kii 2022, kaas oo soo gabagabeeyay mid kamid ah isku hor’imaadyadii ugu qaraaraa Afrika.

Degmada Raya Alamata, oo labada dhinacba ay sheegtaan- ayaa kahor dagaalka waxa ay hoos tagi jirtay koonfurta gobolka Tigray, laakiin waqtigaa wixii ka dambeeyay waxa qabsaday xoogagga Amxaarada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii bilowday dhammaadka todobaad kii hore uu weli soconayo.

Saraakiisha Amxaarada ayaa ku eedeeyay miliishiyo isbahaysi la ah maamulka Tikreega ee TPLF in ay soo qaadeen weerar ballaaran, hase yeeshee madaxa gobolka Koonfurta Tigray ayaa ku eedeeyay miliishiyo Amxaaro ah in ay xabadda bilaabeen.

Madaxa Ismaamulka KMG ah ee Tigray Getachew Reda ayaa ku eedeeyay cadow uusan magac dhabin oo diidan heshiiska nabadda, in ay weerar soo qaadeen. Waxa uu sheegay rabshaddaha la soo weriyay in aanay u dhaxeyn ciidank ismaamulka Tigreega iyo ciidamada dawladda, ama kuwa gobollada dariska ah.

Ma cadda haddii khasaare jiro, laakiin warbaahinta taageerta Amxaaradda ayaa sheegtay in kooxaha Tigreega ay ku soo siqeen qaybo kamid ah degmada.

Dhawaan Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in dhulka lagu muran san yahay ay gacanta ku hayn doonaan ciidanka federaalka, illaa xal looga helayo muranka.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

{DAAWO MUQAALKA} Diyaar garowga ciidanka xoogga dalka ee dagaalka Kooxda AS

isniin-29-April-2024 {HMC} Ciidamo cusub oo aad u fara isla markaana ka qeyb galayo dagaalka ka dhanka ah Kooxda al shabaab ayaa maanta lagu so...

WARARKA