Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale hogaaminaya dagaal lagu xureeyo deegaanada hirshabelle iyo galdumug.

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale dib u bilaabeysa dagaalka ka dhanka ah kooxda AS, ee wali ku xooggan deegaanno iyo degmooyin katirsan maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka ayaa guulo waa weyn horey uga gaaray howlgallo ay ka sameeyeen deegaannada Hirshabelle iyo Galmudug, hasa ahaatee ciidamada ayaa dib uga soo baxay degmooyin iyo deegaanno ay AS horey uga qabsadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqday xeryo milatari oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa halkaasi kasii sagootiyay ciidamo cusub oo loogu tala galay in ay hoggaamiyaan howlgalo cusub oo bilaabanaya.

Ciidankan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh kula dar daarmay in ay soo afjaraan kooxda AS ee wali ku sugan deegaanno dalka katirsan, waxa uuna u sheegay ciidankan furumaha dagaalka loo dirayo in shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan guulo.

Sida aan xoaha ku helnay ciidankan laga sagootiyay Muqdisho ayaa ku biiraya ciidanka jooga furumaha hore ee dagaalka, waxa ayna ciidankan hoggaamin doonaan howlgalo cusub oo la doonayo in AS looga saaro deegaanno ay maamulaan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr mar qaaday guluf dagaal ayaa guulo wax ku ool ah soo hoyisay, hasa ahaatee guulahaasi ayaan noqon kuwa sii waara, waxaana ciidanka dowladda ay dib uga baxeen deegaanno badan ay AS ka saareen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA