Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Maxey tahay Ujeedka uu u sameeyay Abwaan Amiin heesta ‘dadka badan oo Soomaali ah ka oohisay?

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku baahday hees jacayl oo dad badan is weydaarsadeen.

Qaar ka mid ah dhallinta caanka ka ah baraha bulshada ay adeegsaday iyaga oo shucuur muujinaya.

Heestan oo lagu magacaabo ‘Iifur Buugga naxariista” ayaa waxaa qaaday fannaan da’yar oo lagu magacaabo Amiin yare waxaana qoray Abwaan isagana lagu magacaabo Amiin Samadoon.

Abwaanka ayaa sheegay in heestu ay ku qotonto qiso jacayl oo dhab ah isla markaana uu uga sheekeeyay nin dhalin yaro ah

”Inanka waxaa iskaaya bartay gabadh la yidhaado Hibo oo ay isaga is garanayeen, waanu ballannay, waxaanuna ku ballannay guri uu leeyahay nin fannaan ah” ayuu yiri Amiin Samadoon oo dib u xasuusanaya sidii ay isku barteen wiilka qisadu ku qotonto.

Amiin waxaa uu sheegay in badanaa ay dhacdo in qofi kuu sheego qisa jacayl kadibna aad ogaato in aysan run ahayn balse markii uu la sheekaystay wiilka qisadani ay ku saabsan tahay waxa uu Abwaan Amiin sheegay in uu fahmay in uu yahay dhibbane Jacayl.

”Markii aan waraystay dhowr qof oo kale oo aniga aan isnaqaanano oo ay iiga warrameen ayan xaqiiqsaday arrinta uu ii sheegayo in ay dhab tahay” ayuu hadalkiisa raaciyay Amiin.

Abwaan Amiin ayaa markaas ka dib go’aansaday in uu erayada heestan ka sameeyo qisada looga sheekeeyay isaga oo leh: “qofku marka uu kuu warramay haddii uu dareenku ku galo waxa lagaaga warramay ay ku galaan, xitaa qofkii oo aan kaa dalbanin ayaad is arkaysaa adiga oo waraaq iyo qalin inta soo qaadatay wax qorqoraya”.

”Markii aan aad u dhuuxay ayaan is arkay iniga oo durba wax qorqoraya” ayuu kusii daray.

Haddaba maxay yihiin erayada heesta ku jira ee ”dadka ka oohiyey”?

Erayada heesta qaar ka mid ah

Heestaan oo ah waa mid calaacal ah, ayaa qabsatay baraha bulshada ee Soomaalida.

Dadka ka faalooda heesaha ayaa amaan u soo jeediyay erayada, laxanka iyo muusiga oo qudhoodu qayb ka qaata sida heesta loo turjunto micno ahaan.

Heestan ayaa sida uu sheegay fannaanka qaaday waxay sawir ka bixinaysaa qof dib ula kulmay jacaylkiisii oo ay muddo kala maqnaayeen. Haseyeeshee kama muuqato heesta in jacaylku ahaa amid laba geesood ah.

Erayada heesta siiba ku kuwa ku jira qaybta ku baahday baraha bulshada ayaa waxa ka mid ah:

Haddaan idhi bidhaantaada uma xiisin waa been’e

Ma anaa qof booskaaga heli karaya ii buuxsha

Ma anaan u boholyoobin kulankiyo bilkhayrtaada

”Waxaa igu bannaanaatay halkii aad ku beegnayde

Sidan eeg bal muuqayga u badalay waageenu

Kaalay arag buseelkaagu siduu iiga dhigay baylah,”

Da’ yarta qaar ayaa iska soo duubay muuqaalo iyaga oo muujinaya in ay la ilmaynaya erayada heesta lana qaadaya fannaanka.

In ka badan laba milyan oo jeer ayaa laga daawaday heesta barta YouTube oo lasoo galiyey shan maalmood uun ka hor balse markii hore ku baahday Tiktok.

“Berigii hore in qofku jacayl dartii la ooyo ceebbaa loo arki jiray laakiin haddii imika ay wax iska caadiya noqotay… dee waa wax weyn oo soo kordhay” ayuu yiri Amiin Samadoon oo fallo ka bixinayey sida uu u arko saamaynta ay heestu ku yeelatay dadka qaar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA