Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Mucaaradka soomaaliya oo isbahaysi cusub oo ka dhan ah Xasan Sheekh ka bilaabay Nairobi.

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya waxay marwalba ahaan jirtay halka uu ka bilowdo abaabulka ka dhanka ah nidaamka waqtigaasi jira ee Soomaaliya.

Si gaar ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ee 2012, 2017 iyo 2022 waxaa isbeddelka laga jiheeyay magaalada Nairobi, halkaasi oo ay badi deegaan ku yihiin siyaasiyiinta xil sugayaasha ah ee Soomaaliya.

Toddobaadkii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir beeleed siyaasadeed uga qeyb-galay Nairobi. Xubno mucaarad ah oo markii hore ka ganbanayay inay Nairobi shaqo ka bilaaban ayaa hadda laga soo xigtay inuu madaxweynaha siiyay fursad ay dibadda uga bilaabi karaan shirar iyo abaabul ka dhan ah nidaamkiisa.

Sabtidii waxaa Nairobi ku shiray Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Dr Cabdinaasir Cabdulle iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali. Kulankan oo Shariifka uu dalbaday ayaa ahaa mid uu xubnaha kaga warsiinayay wixii uu kala kulmay madaxweyne Xasan Sheekh markii ay isku arkeen Nairobi.

Xubnaha kulanka fadhiyay qaar ayaa laga soo xiganaya in uusan madaxweyne Shariif ka qarin in doodda labada nin ku jiray awood qeybsiga siyaasadda, laakiin wixii ugu muhiimsana oo ay ka dooddeen wuxu ku tilmaamay xaalka siyaasadeed ee dalka, si gaar ah; in la iska kaashado amniga, laga heshiiyo dastuurka iyo doorashooyinka, la xaliyo tabashooyinka Puntland, fikir mideysana lagu wajaho culeyska ka imaanaya dhanka Itoobiya.

Dhamaan arrimahaasi ayay isla fahmi waayeen Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Mucaaradka ku kulmay magaalada Nairobi waxay ka sinaayeen in Xasan Sheekh la joojiyo oo aan la aqbali karin halka uu madaxweynaha dalka kusii wado, oo ay qaar sheegeen inay ku dhamaan doonto inuu dalka kala tago.

Dhinacyada Nairobi ku shiray waxay isku soo hadal qaadeen qaabka loo dhigi karo mucaaradnimada, qaar ayaa soo jeediyay in guud ahaan mucaaradka arrintaan u midoobaan oo xitaa Farmaajo iyo dhinacyo kale lagu soo daro, balse xubnaha qaar ayaa taas ka cago jiiday waxayna soo jeediyeen in qolo walba gaarkeeda ula timaado hal abuur mucaaradnimo oo ay Xasan Sheekh kula dirirto, iyaga oo ka gadoodsan inay Farmaajo ku saf noqdaan.

Sida aan xogta ku helnay go’aan buuxa lama gaarin, balse waxaa lagu balamay in kulamada lasii wado. Sidoo kale in lala hadlo wakiiladda beesha caalamka oo la dareensiiyo sida aanay Soomaalida iskugu raacsaneyn halka uu Xasan Sheekh wax ku wado ayay diyaarinayaan mucaaradka qaar.

Waxaa kale oo la filayaa inuu dhawaan magaalada Nairobi yimaado hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo isna si weyn u diidan hanaanka uu wax ku wado madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna kulan weyn oo dhinacyada mucaaradka ah ayaa la filayaa inuu dhaco.

Madaxweynaha tallada haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda duri karin in mucaaradkiisa shirar, dooddo iyo diidmaba kusoo bandhigaan dalal shisheeye kadib markii uu isagu dhawaan aqbalay, kana qeyb-galay gogol ay beeshiisu dhigtay magaalada Nairobi.

Kulamada mucaaradka ayaa imaanaya, iyada oo bisha soo aadan ee May ay madaxweyne Xassan Sheekh u buuxsami doonto laba sano, waxaana caado ahaan jirtay in labada sano ee ugu dambeysa muddo xileedka madaxweyne kasta oo fadhiya Villa Somalia in lagula dhago isteerinka haddii uu isku dayo inuu dalka u jiheeyo dhinac aan heshiis lagu aheyn.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA