Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo shir xasaasi ah iskugu yeeray madax goboleedyada iyo DENI oo…

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo saaray ayaa shir gaar ah ku casuumay dhammaan madaxda goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirkan oo ah midka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa madaxda lagu casuumay waxaa kamid ah madaxweynaha Puntland, Saciid Deni oo haatan khilaafkii ugu xumaa uu kala dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo dhawaan xiriirka u jaray dowladda dhexe.

Nuqul kamid ah warqadda casuumadda ah oo ay heshay warbaahinta ayaa waxaa madaxda maamul goboleedyada looga codsaday inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo magaalada Muqdisho ka dhcii doono inta u dhexeeysa 20 illaa 21-ka April ee sanadkan.

“Mudanayaal madaxweynayaal salaan diirran ka dib waxaa sharaf ii ah inaan idinku casuumo in aad kasoo qaybgashaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka dhici doona Muqdisho inta u dhexeeysa 20 illaa 21-ka April”ayaa lagu yiri qoraalka casuumaadda ah.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in shirka looga hadli doono arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka dalka iyo dagaalka lagula jiro AS.

“Shirkan waxaa looga hadli doonaan arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka” ayaa lagu yiri warqadda.

Shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana uu kasii daray khilaafka siyaasadeed ee dalka, kaas oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay diideen xubnaha mucaaradka iyo maamulka Puntland.

Maamullada kale oo markii hore taageersanaa qorshaha Villa Soomaaliya ayaa dhankooda gaabsaday wixii ka dambeeyay markii la ansixiyay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA