Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

DF oo abaal-marin kala duwan gudoonsiisay wiil Soomaaliya u soo hooyey guul Taariiqi ah.

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyey, billad qalin ahna Soomaaliya ugu soo guuleystay orodka 5000 ee mitir.

Tartanka uu ku soo baxay Cabdullahi ayaa ahaa Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Accra, Ghana, 22-kii Maarso 2024-ka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga ah.

“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin” ayuu yiri Saalax.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysaa horumarinta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda, sida uu sheegay Saalax.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Xukuumadda ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqayad shaqo-abuurka ee caalamka.

“Waxa aan ku kalsoon ahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Xukuumaddu na wax ay garab taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa na ay diyaar u tahay in ay ku taageerto himilooyinka guusha ee ay ku taamayaan”. Ayuu intaas raaciyey Mudane Saalax Axmed Jaamac.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA