Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

PUNTLAND oo si cad u diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad u diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu magaalada Muqdisho ka dhaco inta u dhexeyso 20 illaa 21-ka bishan April ee sanadka 2024-ka.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Puntland aysan ka qayb geli doonin shirkaas, welina uu halkiisii yahay go’aankii ay xiriirka ugu jareen dowladda dhexe.

“Cid kala qaybgaleyso koley oo Puntland ah ma jirto, illaa ay kusoo noqonayaan xeyndaabka dowladnimada” ayuu wareysiga ku yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Sidoo kale wuxuu mar kale ku celiyay in aysan aqoonsaneyn dowlad rasmi ah oo hadda ka jirta dalka, wuxuuna ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu meesha ka saaray dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa.

“Dowladdii hore ee dalka, haddii uu dastuurkeedii meesha ka baxay, muddo xileedkeediina wuu ka baxay , mana aaminsanin inay dowlad jirto” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Puntlabd ayaa sidoo kale shuruud ku xirtay ka qaybgalka shirka, waxayna sheegtay in wax weliba ay ka horreeyaan in marka hore lagu soo noqdo xeyndaabka dowladnimada.

“Inay sharciyadda kusoo noqoto ayaa ka horreyso iyo xeyndaabka dowladnimada Soomaaliyeed, waxay abaabuleen wax iyaga u gaar ah” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya uu shir ku wada casuumay madaxweynaha Puntland iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka dalka, ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxda AS.

Go’aanka kasoo baxay Puntland ayaa uga sii daraya khilaafka culus ee haatan kala dhexeeya dowladda federaalka, kaas oo gaaray meeshii ugu xumaa, maadaama ay kala tageen labada dhinac, sababo la xiriira wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA