Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

”Qofna gaadhidda riyadiisa naafo kama aha” QISO Cajiib ah.

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Waa arooryo hore, Muqdishadii shanqarta badnayd oo aamusan iyo Cali oo markii uu salaadda subax tukaday isu diyaarinaya in uu aado halka uu ku jimicsido, wuxuu xidhanayaa lug caag ah, kadibna qolkiisa ayuu kasoo baxayaa guriga uu deggan yahay xitaaa waa mid ku caqabad ah noloshiisa maalin walba oo ka gudubkeeda u baahan.

Waxuu yimid halkii uu sida maalinlaha ah ugu jimicsan jiray cidna kama soo horreyn dhammaan dadkii xaruntan jimicsiga imaan jiray saaka, keliya qofka furaha haya ayaa ka hor yimid goobta.

Wuu dhar yaraysanayaa, ka dibna waxuu iska saarayaa lug-caag ah oo ugu jirta, waxuuna bilaabayaa muddo yar in uu is kululeeyo isagoo lug kaliya ku boodaya.

Maalin walba halkaan ayuu yimaadaa si uu u rumeeyo riyadiisa jidh-dhiska. Waxuuse ku nool yahay dal isaga iyo kuwa la midka ah ee aan laxaadku u dhamayn looga arko in ayna ahayn kuwo bulshada dhexdeeda wax ka ah. Waa dal xarumahiisa waxbarashada, kuwiisa ganacsiga iyo goobaha cibaadadu aysan u diyaarsanayn in ay soo dhaweeyaan qofka lixaadkiisu dhiman yahay.

Cali Cabdullaahi Maxamuud, waxuu dhashay 1991 kii, waxuuna kamid yahay jiilka nasiibka darran ee aan indhaha saarin dowlad dhowrta xaqa muwaadinka iyo adeeg bixintiisa, waa jiil ku koray dhibaato. Haa oo dhibaatada Soomaaliya ka taagan waa middan Cali lixaadka tirtay.

Sannadkii 2009 qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Cali ku waayay lugtiisa midig, qaraxaas waxaa ku dhintay qaar kale oo isaga filkiis ah, balse isagu nasiibkiisu waxuu noqday in uu sii noolaado haatana aan sheekadiisa qoro.

“Shalay waan ordayay (markaan lugahayga lahaa) waan faraxsanaa, meel walba ayaana tagayay, dadka ugu firficoon baana ku jiray. Laakiin waxaan bulshadii ku soo noqday anigoo biro ku boodaya oo Cali Jiis la I dhahayo – ayaan kusoo noqday dadkii, waadna dareemi kartaa culeyskeeda.” Ayuu yidhi Cali Cabdullaahi oo sharaxaya farqiga u dhexeeya markii uu cagaha qabay iyo haddeer oo lugtiisu ka maqan tahay.

Sannado badan isbeddelkaan cusub ee Cali noloshiisa soo food saaray, culeyskana ku noqday waxay ku dhaliyeen su’aalo, isaga oo marwalba isku dayi jiray jawaabta ugu saxan in uu helo si doorkiisa ka dhex muuqasho ee bulshada uu sidiisii u ahaado fekerka bulshadu ka qabto qofka naafadda ah uu u beddelo, wuu beddelay balse haatan ma aamini karaan.

Muddo shan sanno ah oo xidhiidh ah ayuu wadaa jimicsiga waxuuna dhiirigelin u noqday dhallinyaro badan oo ku nool magaalada Muqdisho oo goobaha jimicsiga u taga jidh dhisidda maadaama isaga oo aan lixaadkiisu dhammays ahayn uu si fiican u yahay mid u dhisay jidhkiisa.

“Markaan jimicsiga bilaabaayay waxaa hadaf ii ahaa qof walba in aan tusi karo qofka naafadda ahi in uu qaban karo wax walba – dadku way ila yaabanaayeen, waxay i lahaayeen “muxuu isku waalayaa muu iska nasto” haddeer iyagii waxaan tusay annigoo dad macallin jimicsiga u ah mana aamini karaan midaas.”

Waloow xusuus madoow oo muruggo badan ay u tahay markuu dib u milicsado in uu lugtiisa ku waayay qarax, haddana hadda waxuu ku socdaa lug caag ah oo u noqotay lugtiisa labaad oo laga jaray markuu qaraxu ku dhacay bowdada sare.

Cali waxuu aaminsan yahay qofina in uusan naafo ka ahayn ka midho-dhallinta waxa uu jecel yahay isaga oo ku dhiirigelinaya saaxiibaddiisa ay wada jimicsadaan iyaga oo dhiirrigelin ka hela sida Cali uga go’an tahay mar walba in uu joogteeyo dhisidda jirdhiskiisa.

“Cali markii koobaad ee aan rugta jimicsiga ku arkay, waxaan ogaaday in uu yahay qof dadka ka duwan, ka adkaysi badan kana sharci adag dadkii kale ee meesha aan ku wada jimicsan jiray, sidaas darteed baan isaga ugu xidhay, qof walbana waxuu ku haminaayay intaas waxii ka danbeeyay isaga in uu la jimicsado” sid aa waxaa yiri Shaafici Cabdulle Cismaan oo kamid ah dhallinyaradda uu dhiirrigelinta u noqday Cali ee sida joogtada ah ula jimicsada, macallinkana uu u yahay.

Marka uu sida caadiga ah magaalada u dhex marayo keliya in uu heetinayo ayaad arki kartaa, laakin ma garan kartid in uu lug caag ah xidhan yahay iyo in uu naafo rasmiya yahay. Balse marka uu jimicsiga samaynaayo sidaa wuu ka duwan yahay

“Markii labaad ee aan dareemay in aan lug caag ah oo kale ku socon karo, waxay ahayd markii iigu farxadda badnayd, waayo markii hore biro ayaan ku boodi jiray waxna ma qabsan karayn.” Cali waxuu xasuusanayaa isaga oo xitaa aan gacmaha wax kale ku qaadan karin marka laga reebo labada birood ee uu ku boodaayo.

Soomaaliya oo colaaddo daashadeen ayay tiradda naafaddu badan tahay iyaga oo aan haysan adeegyada muhiimka ah u ah dadka lixaadkoodu dhiman yahay, sanadkii 2018 ayaana la meel mariyay Sharciga naafada qaranka markii koobaad tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay sannadkaan Hay’adda Istaatistikada Qaranka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in tiradda dadka naafadda qaangaadhka ah ee Soomaaliya ku nool ay ka tahay tiradda guud ee wadanka 11.7%.

Cali wuxuu hadda isku diyaarinayaa in uu Soomaaliya ku metelo cayaaraha fudud ee caalamiga ah, taasoo uu muddo ku taamayey, laakinse weli shaaca lagama qaadin cayaarahaas goorta ay dhici doonaan.

 

{DAAWO MUQAALKA} Dahabka Soomaaliya laga dhoofiyo iyo gobalada laga soo saaro

Talaado-30-April -2024 {HMC} Dahabka Soomaaliya laga dhoofiyo iyo gobalada laga soo saaro HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/Jy0QQyvmvcw

{DAAWO MUQAALKA} khasaaro kala Duwan oo ka dhashay Dagaal AS iyo Ciidamada Deegaanka ku dhaxmaray Galbeedka G/Hiiraan

Talaado-30-April -2024 {HMC} khasaaro kala Duwan oo ka dhashay Dagaal AS iyo Ciidamada Deegaanka ku dhaxmaray Galbeedka G/Hiiraan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/0Q4EoKFyoPg

WARARKA