Wednesday, May 8, 2024
spot_imgspot_img

Korantada Soomaaliya ma gaarsiisan tahay heerkii looga baahnaa?

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Korontadu waxay muhiim u tahay nolosha casiga ah ee bulsho walba, waxayna kamid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aadanuhu haysto, cilmiga sayniskuna suurto geliyay.

Badi nolosha caalamka maanta waa mid ku tiirsan korantada iyadoo siyaabo kala duwan lagu dhaliyo quwadda korantada oo suuro-gelinaysa haddeer qormadanba in aan sameeyo.

Waxay ka dhigantahay dhammaan shay-yada aan haddeer isticmaalo sida taleefanada iyo kombuutaradaba waa kuwo ku tiirsanayaal u ah korantada.

Badhkood ku tiirsanaantaas waa mudaysan tahay oo waxay haystaan intay tamar qaataan in ay saacado ku hayaan haddana u baahdaan tamar kale, wabaa sida aad adiguba cuntada ugu baahato oo iyagu ma shaqayn karaan korantadaas la’aanteed.

Dalka Soomaaliya oo helitaanka korantadu qaali ku tahay ayay Hay’adda Istaatistikada Soomaaliya ku sheegtay in guud ahaan dadka ku nool Soomaaliya 69.1% ay boqolkiiba ay dadku heli karaan koronto.

Tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya dalku ma yeelan shirkad koronto oo dowladda dhexe maamusho, shirkadaha korantada ee dalka ka jirana waa kuwo gaar loo leeyahay.

Laakiin warbixin uu daabacay Baanka Adduunku 2021 ayaa lagu sheegay dadka Soomaaliya ku nool oo gaadhaya 15 Milyan oo qof in aysan 9 Milyan oo ka mid ah helin koronto taas oo Soomaaliya ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha ugu sarreeya koronto la’aani ka jirto caalamka.

Isticmaalka korontada ugu badan ee Soomaaliya waa nooca laga sameeyo matoorada ku shaqeeya naafatada qiimaha halkii Kilowatt ee koranto ah gudaha Soomaaliya ayaan ka mid ah kuwa ugu qaalisan qaaradda Afrika sida uu sheegay World Bank – marka la Barbar dhigo Soomaaliya wadamada deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya Soomaaliya ayaa saddex ayaa noqonaysaa sida warbixinta lagu sheegay 50-125 Cents/kWh halka Kenya ay tahay 0.5 Cents /kWh Itoobiyana ay tahay 0.6 Cents.

Guriga ay todobada qof ku nooshahay magaalada Jigjiga korantada waxay bishii bixiyaan lacag dhan 300 oo lacagta Birta Ethiopia ah oo u dhiganta. $5.28.

Mid kamid ah dadka Hargeysa korantada ka shaqeeya, waliba uruuriya lacagaha oo aan la hadalnay waxuu noo sheegay qiimaha dhexdhexaadka ah qoysku bishii korantada ku bixiyaan magaalada Hargeysa in ay tahay $40.

Qoyska magaalada Muqdisho ku nool ayaa iyagana bishii ku bixiya lacag u dhexeysa 50-30 dollar bishii.

Baanka Adduunka ayaa lacag dhan150 Milyan oo doolarka maraykanka ah u qoondeeyay mashruuca dib-u-soo noolaynta korantada Soomaaliya kaas oo lagu taageeraayo dowladda Soomaaliya , ayadoo mashruucaas uu soo dhammaan doono sannadka 2026.

Mashruucan ayaana ujeedkiisa World Bank uu ku qeexay in looga gol leeyahay tayaynta adeegga caafimaadka, iyo sare u qaadida waxbarashada iyadoo 205 xarumo caafimaad oo Soomaaliya ku yaala la siinaayo koronto joogto ah, sidoo kalena 380 iskuul ay ku heli doonaan adeeg koronto oo dhammaystiran

Soomaaliya waxaa ka dhaca dhibaatooyin ay sababto korantadu kuwaas oo inta badan keena kicitaanka dabab dhaliya khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba, waxaa sidoo kale jira dadyow badan oo ku dhinta korantada guryahooda ku jirta.

Sanadkii tagay bishii March madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay Hindise Sharciyeedka Korantada Soomaaliya kaas oo ay soo meel mariyeen golaha baarlamaanka labada aqal waa midka ka sare iyo kan hoosee.

Sharciga ayaana dhigaya dhismaha Hay’adda Qaran ee Korantada Soomaaliya. Waxuuna dhiirigelinayaa sidoo kale sharcigani maalgashiga shisheeye ee korantada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sharciga uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya dhigayaa tayaynta iyo dhowrida deegaanka inta la isticmaalaayo korantada, sidoo kale waxuu xeerkaas cusub dhigayaa in sharcigaan la ansixiyay uu horseedo nidaam koronto iyo isgaadhsiin oo dadka magaalooyinka iyo miyigaba deggan ah.

“Talabaadaan keliya nal kuma shidayno, ee waxaan ku hubsan doonaa in aan haysanno adeeg koronto oo waaraya, qiimo jaban faa’iidana u leh bay’adeenna” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya maalinkaas uu ansixiyay sharcigaan cusub.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08-05-2024}

Arbaco 8 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman macalin...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/_njrejv2iJ4

WARARKA