Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Itoobiya oo iska bixin waysay lacago dayn ah oo lagu leeyahay.

Arbaco December-27-2023-{HMC} Dowladda Dalka Itoobiya oo galay khalalaase siyaasadeed iyo dagaallo sukeeye ayaa ku guul dareestay in uu iska bixiyo lacago deyn ah oo lagu lahaa, waxa ayna taasi saameyn ku yeelan doontaa kobac dhaqaale uu dalkaasi sameyn lahaa.

Xukuumadda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday shalay in ay awoodi wayday inay iska bixiso daynta lagu leeyahay, iyadoo noqonaysa dalkii saddexaad ee Afrika ee daynta iska bixin waaya.

Itoobiya ayaana ku guul dareysatay in ay waqtigeeda ku bixiso lacag deyn ah oo $33 milyan oo doolar, waxa ayna Itoobiya fursad u heesatay in lacagtaasi iska bixiso ilaa 26-ka December oo shalay ku beegneed.

Xukuumadda Itoobiya ayaana sheegtay in saameyn ku yeeshay cudurkii safmarka ahaa ee Covid-19 iyo sidoo kale dagaalkii sukeeye ee ka qarxay gobolka Tigrey ,kaa oo ugu dambeyn soo dhammaaday bishii Nuvember ee sannadkii 2022-kii.

Dalka Itoobiya ayaana noqonaya dalkii saddexaad oo Afrikan ah oo iska bixin waaya lacagta deynta ah ee lagu leeyahay, waxaana sidaan oo kale horey deyn isaga bixin waayay dalalka Chana iyo Zambia

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05-05-2024}

Axad 5 April, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Dalka Kenya?

Axad 5, May 2024 {HMC} Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka...

WARARKA