Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Askari Horay Qof Ugu Dilay Sabab Yaab Leh oo La soo Qabtay

Jimco-5- April 2024 {HMC} Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsan ciidanka Militariga Soomaaliya oo maalin ka hor nin shacab ahaa ku dilay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Askariga ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in qofka shacabka ahaa uu ku dhex dilay goob timaha lagu jarto, waxaana dad goobjoogayaal ahaa ay sheegeen in askariga uu doonayay inuu ka hor maro ninka shacabka ahaa oo ku fadhiyay kursiga timaha lagu jarto.

“Askariga oo qorigiisa wata ayaa tagay goob Timajare ah nin ayaa ka horeeyey wuxuu ka dalbaday inuu ka horumaro ninkii ayaa diiday arrintaas ka dibna askariga qorigiisa ayuu la baxay halkaas ayuu ninkii ku dilay” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay falkaan uu askariga ku dilay muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in sharciga la horkeeni doono askariga dilka geystay.

“Booliska oo kaashanaya laamaha kale ee amaanka iyo shacabka ayaa gacanta ku dhigay askariga oo ku jiray xaalad baxsad ah sharciga ayaana la soo taagi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Qaar ka mid ah askarta ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa mararka qaar sidaan oo kale waxyaabo iska fudud u dila dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sulub ‘Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan’

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliye Sulub 'Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/hFgg5FipZqM

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Fartaag’Ciidanka Miino Baaristu waa Halbowlaha ciidanka qalabka sida waana naf hurayaal’.

Talaado-30-April -2024 {HMC}  Wasiir Fartaag'Ciidanka Miino Baaristu waa Halbowlaha ciidanka qalabka sida waana naf hurayaal'. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/9IoFpnFlY0I

WARARKA