Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Puntland oo ka jawaabtay go’aanka DFS ee lagu xirayo qunsuliyada Itoobiya ee Garowe

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay go’aankii maanta ka soo baxay dowlada Somalia ee lagu eryey danjirihii Itoobiy u joogay Muqdisho, lagu amray iney xirto qunsuliyadaha ay ku leedahay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa ee Maamulada Puntland iyo Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Safiirka Itoobiya u joogay Muqdisho ku war-gelisay inuu dalka uga baxo muddo 72 saac gudahood ah, halka safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa la faray inuu dib ugu soo laabto dalka,

Sidoo kale qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe la amray in lagu xiro muddo 7 maalmood gudahood ah, qaraarkaan ayaa maanta lagu gaaray shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada XFS.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay iney dowlada federaalka aysan awood u laheyn iney xirto qunsuliyadaha Itoobiya ee ka furan Garowe iyo Hargeysa.

Dirir ayaa intaas ku daray in dastuurkii isku hayey Somalia uu meesha ka saaray Madaxweyne Xassan Shiikh, uuna qortay dastuurka uu isagu sameystay sidaas awgeed Puntland aysan waxba ka khuseynin go’aanada ka soo baxa dowlada dhexe.

“Itoobiya iyo Soomaaliya khilaaf kama dhexeeyo ee waxaa khilaafku ka dhexeeyo waa Xassan shiikh iyo Itoobiya anagu nama khuseeyo” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sulub ‘Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan’

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliye Sulub 'Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/hFgg5FipZqM

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Fartaag’Ciidanka Miino Baaristu waa Halbowlaha ciidanka qalabka sida waana naf hurayaal’.

Talaado-30-April -2024 {HMC}  Wasiir Fartaag'Ciidanka Miino Baaristu waa Halbowlaha ciidanka qalabka sida waana naf hurayaal'. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/9IoFpnFlY0I

WARARKA