Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Puntland oo Sheegay in aanay khuseeynin go’aanka xiritaanka qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe

Jimco-5- April 2024 {HMC} GAROOWE — Maamul goboleedka Puntland ayaa ku gacan sayray go’aanka kasoo baxay Dowladda Federaalka ee lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garowe.

Dowladda Federaalka ayaa shalay qaraar kasoo baxay Golaha Wasiirada ku tiri “Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”

Dowladda ayaa Itoobiya ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

“Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer oo ku salaysan dhaqan-dhaqaalaha, amniga iyo isu-socodka bulshada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Puntland

Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay laashay “Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Waxay intaas ku dartay “Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya.”

“Hadaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garoowe aanu khusayn Puntland.”

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sulub ‘Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan’

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliye Sulub 'Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/hFgg5FipZqM

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Fartaag’Ciidanka Miino Baaristu waa Halbowlaha ciidanka qalabka sida waana naf hurayaal’.

Talaado-30-April -2024 {HMC}  Wasiir Fartaag'Ciidanka Miino Baaristu waa Halbowlaha ciidanka qalabka sida waana naf hurayaal'. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/9IoFpnFlY0I

WARARKA