Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Mahad Salaad iyo Xil Xaadoole oo kormeeray baraha koontoroolada ee waqooyiga Muqdisho

Talaado-12-March,-2024-{HMC} Taliyaha hey’adda nabad sugidda Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa kormeer ku maray qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, isagoo la afuray ciidamada ammaanka

 

Taliye Mahad Salaad waxaa caawa kormeerkiisa ku wehliyey Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan golaha shacabka, isla markaana ah sarkaal sare oo militeri

 

Taliyaha iyo Xildhibaanka ayaa ciidamada ku kormeeray baraha koontoroolada ee degmooyinka waqooyiga Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka ay ku baarayeen

 

Mahad Salaad ayaa caadi u dhex galay bulshada, isagoo shacabka si gacan qaad ah ugu salaamay maqaayadihii ay ku caweynayeen

 

Degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa iyo Kaaraan ayey masuuliyiintaan soo mareen caawa, iyagoo lasoo afuray ciidamada amniga oo isugu jira NISA iyo Booliska

 

Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac ayaa Mahad iyo Xaadoole ku wehliyey kormeerkaan ay ku mareen degmooyinka waqooyi ee caasimadda Muqdisho

 

Xildhibaan Xaadoole oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyey kormeerkooda, isagoo sheegay inay caawa tageen goobihii ay difaacyada u ahaan jiray dowladihii tan Xasan Sheekh ka horeeyey

 

Wuxuu sheegay in ciidan badan iyo hub culus aysan wadan, isla markaana aysan dareemeyn wax cabsi ah, Xaadoole ayaa hey’adaha ammaanka ku amaanay shaqada muuqata ee Muqdisho ay ka hayaan

 

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA