Saturday, May 11, 2024
spot_imgspot_img

DEG DEG;Nin dhagar iyo qaraxyo maleegaayay oo galaaftay qoyskiisa.

Sabti -27-April-2024 {HMC} Sida ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen warbaaahinta deegaanka deegaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxaa ka dhacday arrin mucjiso ah, kadib markii nin dhagar maleegayey uu laayey qoyskiisa.

Dad ku sugan Ceelasha Biyaha sheegay in qoys oo ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo carruur ah uu galaaftay qarax uu sameynayey odaga reerka.

Odagii qaraxa sameynayey iyo labadii carruurta aheyd ayaa geeriyooday, halka hooyadii reerka dhaawac culus goobta looga qaaday. arrintaas ayaana aad ugu yaabisay dadka deeganka

Xogtaan waxay sheegeysaa in qaraxa uu sameynayey Aabaha reerka, balse uu ku qarxay isaga iyo reerkiisa oo kaliya, kadib markii ay ka halowday farsamadii.

Dadka deriska la ah reerkaas ayaa ku soo baxay markii ay maqleen qaraxa ka dhacay guriga dhexdiisa, waxaana loogu yimid hooyadii oo dhaawac ah iyo meydka odagii qaraxa sameynayey iyo labo carruur ah.

Arrintaan ayaa argaagax ku abuurtay dadkii deriska ahaa ee Ceelasha Biyaha la deganaa reerka ay heshay musiibadaan la sheegay inuu gacantiisa ku geystay odagii reerka.

Tani waxay si buuxda u muujineysaa saameynta ay qof kasta ku yeelan karto dhibaatada dhagarta ay kooxda AS u maleegeyso shacabka Soomaaliyeed ee aan waxaba galabsan.

Ciidanka booliska Soomaaliya oo goobta tegay ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaano culus oo arrintaan la xiriira, waxaana lagu wadaa in goordhow ay soo saaraan faahfaahin ku saabsan dhacdadaan yaabka leh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10-05-2024}

Jimco, 10, May, 2024 {HMC}–Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman macalin muse Farsamadii...

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Boliiska oo soo bandhigay eedeysane horay toorey ugu dilay qof shacab ah

jimco , 10, May, 2024 {HMC} Ciidanka Boliiska oo soo bandhigay eedeysane horay toorey ugu dilay qof shacab ah HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/tm2pShgJpmg

WARARKA