Friday, May 10, 2024
spot_imgspot_img

Baarlamaanka soomaaliya oo si kulul ugu hadlay musuqa ka dhax jira ciidanka DANAB

Sabti -27-April-2024 {HMC} Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si toos ah usoo faro-geliyay fadeexadda wayn ee hareysay taliska Danab, kadib markii la musuqmaasuqay raashinkii ciidankaasi, taa oo keentay in Mareykanku jaro taageeradiisa.

Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay arrinta dhacday oo ay qiraal ka sameysay wasaaradda gaashaandhigga, oo iyadu shaacisay in saraakiil sare loo xiray falkaasi.

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in ay cadahay in la leexsaday raashinkii ciidanka, loona maamulay si ka baxsan nidaamka dowladnimda.

“Waxaa cadaatay in garaamkii loogu tala galay la musuqu-maasuqay, loona maamulay si baalmarsan nidaamka haykalnimada dowladnimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Guddiga oo toos ugu diray warqaddan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga dalbaday in muddo 7 cisho looga soo jawaabay qoraalkan, si loo cadeeyo arrinta dhacday.

“Yaa ka mas’uul ah musuqmaasuqa sababay in la jaro taageeradii ciidanka Danab ee Mareykanku bixinaayay? ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn guddiga difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in lala soo socodsiiyo natiijada baaritaanka socda iyo magacyada saraakiisha ku eedeysan falkaasi.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay hadal hayn xoogan iyo tallaabo deg-deg ah oo uu qaaday Mareykanka oo isla markiiba ku dhawaaqay inuu hakiyay taageeradii ciidanka Danab.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Boliiska oo soo bandhigay eedeysane horay toorey ugu dilay qof shacab ah

jimco , 10, May, 2024 {HMC} Ciidanka Boliiska oo soo bandhigay eedeysane horay toorey ugu dilay qof shacab ah HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/tm2pShgJpmg

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.05.2024}

Jimco, 10, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin...

WARARKA