Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

29 qof oo sugayay gargaar bani’aadannimo Ayaa Israa’iil Duqeyn ku dishay.

Jimco, 15,Maarso, 2024 {HMC} Ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah oo sugayay gargaar ayaa lagu dilay laba weerar oo ay geeysteen ciidmada Israa’iil, kuwaas oo ka dhacay marinka Qaza Khamiistii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Dhacdadii ugu horreysay, saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ee ku sugan marinka ay Xamaas maamusho ayaa sheegay in siddeed qof lagu dilay weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday xarun gargaar oo ku taal xerada Nuseirat ee bartamaha marinka Gaza.

Intaas kaddib,, Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 21 qof ay ku dhinteen in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen rasaas ay Israa’iil ku ridday dad sugayay baabuur gargaar oo marayay waddo ku taal waqooyiga Gaza.

War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Israa’iil ayay ku beeniyeen in ay weerareen xarumaha gargaarka, iyagoo ku tilmaamay wararkaasi kuwo “been abuur ah”.

Colaadda Gaza ayaa barakicisay inta badan 2.3 milyan oo qof oo ku noolaa gobolkaas.

Muqaallo qalafsan iyo dhacdooyin lagu hoobtay ayaa ka dhacay xilli gargaar loo qeybinayey iyadoo dad aad u gaajaysan ay isku dayeen inay cunto helaan.

Dagaalkan ayaa ka dhashay weerar ay Xamaas hormuudka ka tahay oo lagu qaaday magaalooyin ku yaal koonfurta Israa’iil 7-dii bishii Oktoobar, halkaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, laguna aftuubtay 253 qof, sida lagu sheegay tirokoobyada Israa’iil.

Wixii markaas ka dambeeyay, weerarrada cirka, badda iyo dhulka ee Israa’iil ay ku qaadday Qaza waxa ay ku dileen in ka badan 31,000 oo qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 71,500, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee Gaza.

Xigasho VOA

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA