Sunday, April 28, 2024
spot_imgspot_img

Booliska Soomaaliya oo Faafaahin Kabixiyey Weerarkii Hotelka SYL

Jimco, 15,Maarso, 2024 {HMC} Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii saacadaha badan qaatay ee hoteelka SYL, kadib markii goor sii horeysay lasoo afjaray weerarkaasi.

Afhayeenka Booliska oo warbaahinta kula hadlay agagaarka hoteelka la weeraray ayaa shaaciyay in weerarkaasi ku dhaawacmeen illaa 27 ruux, halka ay ku naf waayeen ciidan gaaraya illaa 3 saddex askari.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay toogteen dhamaan maleeshiyaaddii weerarka soo qaaday oo tiradooda ahaayeen shan dagaal-yahan, kuwaasi oo uu sheegay in ay si dhuumaleysi ah kusoo gaareen goobta ay weerarka ka fuliyeen.

AS waxay 9:30 habeenimo weerar dhuumaleysi ah ku qaadeen hoteelka SYL, ciidanka nabadgelyada oo si deg deg ah uga jawaabaya saacada kadib wuxuu banaanka soo dhigay shantii AS ahaa ee gudaha u gashay hoteelka SYL,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Booliska.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarka ay ku jiraan Xildhibaanno, kuwaasi oo uu sheegay in uusan cusleyn dhaawacooda, ayna lugahooda uga tageen goobta, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladda amni ee hoteelka iyo agagaarkiisa ay sidii caadiga aheyd kusoo laabaneyso, “Nabad-gelyo fiican ayaa jirta hoteelkii nabad weeyi, Xildhibaannadii iyo intii hoteelka daganeyd dib ayay ugu noq-noqonayaan.”

Booliska ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo sida ay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku gaareen hoteelka ay saacadaha badan ka dagaalamayeen, maadaama uu ku yaallo irirda Madaxtooyada Soomaaliya.

“Arrintaas baaris ayay ku jirtaa hay’addaha nabad-gelyada u xil-saaran oo sida ay wax u dhaceen baaristeedii waa la daba jooga. Xaaladda illaa hadda baaris ayay ku jirtaa dhacdaduna wey cusub tahay, waxa kasoo baxana saxaafada lala wadaagi doona.”

Si kastaba, Kooxda weerarka fulisay iyo gawaari qaraxyo ku rarnaayeen oo ay wateeen ayaa ka gudbay Kontroolo adag oo looga gudbo goobta ay weerarka ka fuliyeen, taasi oo sare usii qaadeysa tuhunka in loo fududeeyay, halka Booliska uu lasoo shir tegay inay si dhuumaleysi ah ku gaareen halkaasi.

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA