Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada amniga DF oo soo afjaray weerarkii ka socday Hotelka SYL

Jimco 15 March, 2024 {HMC} Ciidamada amniga dowladda ayaa soo fajaray howgalkii ka socday gudaha hoteelka SYL oo xalay ay gudaha u galeen dabley ka tirsan Al shabaab ka dib weerar qaraxyo ku bilowday uu ay ku qaadeen.

Ciidamada ayaa dilay dhamaan kooxdii gudaha u gashay hoteelka sida ay sheegeen saraakiisha amaanka DF

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda ka dhex dagaalameysay hotelka ay ahaayeen ilaa 3 xubnood oo ku lebisnaa dareyska ciidamada amaanka dowlada.

Xaalada ayaa hadda degan ka dib dagaal iyo qaraxyo 12 saacadood ka socday gudaha hotelka, waxaana baaritaano lagu hubinayo amniga hotelka ka wada Ciidamada Dowlada.

Xildhibaano iyo masuuliyiin dowladeed ayaa laga soo badbaadiyey gudaha Hotelka illaa xalay, qaar kale waxaa la geeyey goobaha caafimaadka iyagoo dhaawacyo kala duwan qaba, iyadoo kuwo kale oo hotelkaas ku jirayna aan weli la ogeyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin.

Afhayeenka Xukuumada Farxaan Jimcale, taliyaha ciidanka Haramcad Cabdixamiid Fanax, weriye Xassan Cadde iyo masuuliyiin kale ayaa la xaqiijiyey iney soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Maaddaama uu hoteelku madaxtooyada u dhow yahay waa bartilmaameed isla markaana dowladda oo arrintaa ku baraarugsan ayaa si aad ah u ilaalisa hoteelka iyo nawaaxigiisaba.

Marka laga soo tago miinooyin la dhigo dhinacyada waddooyinka iyo hoobiyeyaal, Muqdisho way ka ladnayd weerarrada lagu qaado xarumaha dawladda iyo hoteellada bilihii u dambeeyay.

Waa markii 4aad ee weerar qaraxyo iyo mid toos ah lagu qaado hotelka SYL

22kii Jannaayo ee sannadkii 2015, waxaa hotel SYL ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari lagusoo raray walaxa qarxa, waxaanu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Burbur xooggan ayaa xilligaas soo gaaray hoteelka oo la sheegay in markaas ay ku sugnaayeen masuuliyiin aan waxba ku noqon oo ka tirsanaa dawlad goboleedka Puntland.

Qaraxa dhacay 2015, ayaa kusoo aday xilli amniga Muqdisho aad loo adkeeyay maaddaama maalinkii xigtay ee 23-ka bisha la filayey in uu yimaado madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas Raisal wasaare ahaa.

Bishii Agosto ee sannadkii 2016 hotelkan ayaa lala beegsaday qarax kale oo loo adeegsaday gaari, kaas oo dhaliyey khasare ballaaran. dad ka badan labaatan qof ayaana ku dhintay halka intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana ku badan saraakiisha dowladda.

Dagaal-yahannada kooxda ayaa lagu yaqaannaa beegsashada hoteellada, oo uu ka mid yahay SYL oo ay mar kale weerareen sanadkii 2019.

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA