Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii ugu Danbeeyay weerarkii ka socda hoteelka SYL ee Muqdisho.

Jimco, 15,Maarso, 2024 {HMC} Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday hoteel ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo ammaan u sheegeen warbaahinta.

Kooxda ayaa hore u weerartay hoteelka SYL, oo ay caan ku yihiin saraakiisha dowladda.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo weriyay qaraxyo iyo rasaas laga maqlay hoteelka, iyagoo wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalyahannadu ay weli gudaha ku jiraan.

Weerarka weli waa uu socdaa, ilaa iyo haatan si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay mana jirto xog kasoo baxday dowladda Soomaaliya.

“Mujaahidiinta hubeysan ayaa gacanta ku haya hoteelka waxayna tooganayaan shaqaalaha iyo saraakiisha” dowladda ee hoteelka, ayay al-Shabab ku yiraahdeen war ay soo saareen oo ay ku sheeganayeen mas’uuliyadda weerarka.

Faarax Cali, oo ka mid ah dadka ku nool agagaarka xafiiska madaxweynaha ayaa Reuters u sheegay: “Waxaan marka hore maqalnay qarax weyn, kadibna rasaas ayaa xigtay. Waxaan u maleyneynaa in dagaal-yahannadu ay gudaha ku jiraan [hoteelka] waxaanan maqleynaa rasaas la is dhaafsanayo.”

“Dhowr dagaal-yahan ayaa xoog ku galay dhismaha kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga,” ayuu sarkaal waaxaha ammaanka ka tirsan u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa xalay Isbitaalka Erdogan ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarka.

Wasiirka oo la hadlay qaar ka mid ah dadka dhaawacoodu fududaa ayaa u rajeeyay so kabasho degdeg ah.

Maaddaama uu hoteelku madaxtooyada u dhowyahay waa bartilmaameed isla markaana dowladda oo arrintaa ku baraarugsan ayaa si aad ah u ilaalisa hoteelka iyo nawaaxigiisaba.

Marka laga soo tago miinooyin la dhigo dhinacyada waddooyinka iyo hoobiyeyaal, muqdisho way ka ladnayn weerarrada lagu qaado xarumaha dawladda iyo hoteellada bilihii u dambeeyay.

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA