Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiinta Dalka Yemen oo gantaal la helay markab kale oo marayey Badda Cas

Jimco 15 March, 2024 {HMC} Markab ganacsi oo ku sugan Badda Cas ayaa gantaal lala helay, taasoo keentay burbur soo gaaray markabka, howlgallada ganacsiga badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa Jimcihii ku sheegay qoraal digniin ah.

Hay’adda dabagalka badaha Ingiriiska ayaa sheegtay in shilkan uu ka dhacay meel 76 nautical miles galbeed ka xigta magaalada dekedda leh ee Xudeydah ee galbeedka Yemen. Ma aysan cadeyn dalka laga leeyahay iyo calanka markabka.

Heyadda ayaa sheegtay in shaqaalihii la socday la sheegay in ay bad qabaan, markabkana uu ku sii socday dekeddiisa xigta.

Todobaadyadii la soo dhaafay, fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa xoojiyey weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee ku sugan badda cas, weeraradaas oo ay ku sheegeen in ay uga aargoosanayaan Israa’iil ololaha millatari ee ay ka wado Qaza.

Maraykanka iyo UK ayaa geeyey gantaalada lidka maraakiibta iyo hub kale si ay uga hortagaan weerarada Xuutiyiinta ee marin biyoodka muhiimka ah hase ahaatee talaabadaas wax badan kama qabanin ka hor taga weerarada Xuutiyiinta.

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA