Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Maxaan loo dhisin maktabadda Burco ee ay dadweynuhu baadigoobayaan?

Arbaco-20- March-2024 {HMC} Toban kii sanno ee lasoo dhaafay guud ahaan deegaannada Soomaalida waxaa ka hanaqaaday kacdoon wax akhris qoraal oo ka jira magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo ay calanka u sidaan dhallinyaro da’ayar oo baraha bulshada isku waydaarsanaya buugaag iyo sheekooyin farshaxanleh kuwaas midiba midka kale ku dhiirrigeliyo in uu sii wado dhigaalkiisa.

Si gaar ah Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxaa ka socday abaabul xoogan oo magaalooyinka waaweyn ay ku yeelanayaan maktabaddo bulshadu leedahay cid walbana u furan si loo xoojiyo wax akhriska bulshada.

Waxaa maktabado laga dhisay magaalooyinka, Hargeysa, Boorama, Berbera, Ceerigaabo iyo Gabiley, balse magaalada Burco maktabadeedii wali lama dhisin.

Arrintaan ayaa kacdoon ka dhalisay baraha bulshada kaas oo laysku weyddiinaayo waxa illaa hadda aan loo dhisin maktabadda oo marar badan oo kala duwan la dhagax dhigay balse ilaa iyo hadda aan wax natiijo ah la gaarin.

Kacdoonkaan waxaa hormuud ah Barwaaqo Xirsi Muuse (Barwaaqo Haldhaa) oo barta Facebook muddo ku daabacaysay qoraalo ku saabsan waxa ku dhacay dhismaha maktabada.

Waxaa ka qayb qaatay kacdoonkaan dhallinyaro badan oo reer Burco ah kuwaas oo iyaguna fariimo ku daabacay baraha bulshada.

“Maanta Ceeb baan u arkay iyo dib-u-dhac in ay Burco yeelan waydo maktabad [dadweyne], iska dabawareeg badan ayaana kacdoonkaan dhaliyay” ayay tidhi Barwaaqo oo la hadashay BBC da.

Ol’olaha baraha bulshada ee lagu doonaayo dhismaha maktabadda waxaa eedda ugu weyn dusha loo saaray xildhibaan Axmed Maxamuud Cabdillaahi oo ku magac dheer Fanax kaas oo sida la sheegay shirkad uu leeyahay la siiyay dhismaha qandaraaska maktabadda.

“Xildhibaanka si shakhsiyan oo aan u dhaliillayno ma jirto … waxa qudha ee aan u cadaadinayno dhaliishiisana u badinayno waa in isaga deegaan doorashiidusu tahay Burco …Tan labaadna waxaa weeye in uu leeyahay shirkadii ku guuleysatay Qandaraaska [dhismaha] maktabadda,” ayay tiri Barwaaqo.

“Shirkadaada ku guuleysatay qandaraaska … hays baraxdo. Haddii wax ka dhiman yahiinna ha sheegto oo yaan idinka iyo shacabkiina afka laysku gelin” ayay hadalkeeda sii raacisay Barwaaqo.

BBC da ayaa la xiriirtay xildhibaan Axmed Maxamuud Cabdillaahi oo lagu eedeynayo shirkadiisa oo la siiyay qandaraaska dhismaha maktabadda in aysan wax shaqo ah qaban ilaa iyo haatan, balse waxa uu BBC da u sheegay in shaqada dhismaha ee maktabaddu wali socota, oo ilaa iyo lixdii bilood ee la soo dhaafay aysan hwosheedu joogsan.

Warbaahinta gudaha oo uu la hadlay xildhibaanku ayuu u sheegay in magaaladu leedahay masaajido ay yaalaan kitaabo diini ah, halkaas ay wax ku aqrisan karaan.

Sidaas oo kale ayuu u sheegay BBC da isaga oo yiri: “Inta maktabada dhismaheedu soconayo, bil ramadaan ayaan ku jirnaaye, xadiiskii iyo kitaabkii iyo wixii oo dhan masaajidey yaalaane há aqristaan”, ayuu yiri xildhibaan Fanax.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadku ay tagi karaan maktabadaha kale ee ku yaalla magaalada.

“Burco waxay leeahay boqol masaajid ka badan, masaajid walba kutub ayaa taala… akhris intaas ayaa inoogu filan,” ayuu BBC da u sheegay xildhibaanku.

Sababta aan shirkadiisu u dhisan maktabadda ay qandaraaska dhismiheeda ku guuleystay ayuu ku macneeyay in qaar ka mid ah shacabka magaaladu dalbadeen in loo dhiso maktabad ka wayn midda loo dhisay magaalooyinka kale ee Somaliland, ayna doonayaan in lacag dheeraad ah ay ku daraan intii horay loogu helay dhismaha maktabadda.

Laakiin waxa uusan ka jawaabin xildhibaanku ayaa ah in dad eedeynaya ay sheegayaan in meeshiiba aan shaqo ka socon wax laga dhisana aysan jirin ilaa iyo hadda.

“Maktabadahii kale oo dhismay markaad aragto iyo taadii oo inta dayr lagu xidhay jiingado lagu xidhay hogag laga qoday ay waxba ka socon waayeen – naftu waxay kugu qasbaysaa in aad ogaato oo aad ka dhiidido siday wax u socdaan.” ayay tidhi Barwaaqo oo ka cadhaysan in illaa hadda maktabadda dadweynaha oo baahi weyn loo qabo aan la dhisin.

Halka laga dhagax dhigay maktabadda magaalada Burco waxay ahayd kheyriyadii magaalada oo ahayd barxad taariikhi ah oo bulshada lagu kulmin jiray xilligii gumeystaha isu soo baxyadana la iman jiray waxaana la sheegay in ay kamid ahayd meelaha ol’olaha gobonimo doon ee loogasoo horjeeday Ingiiriska laga bilaabay.

Dhismayaal ku yaalay halkaas ayaa la dumiyay sanadkii 2021kii kadib markii madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici uu ka dhagax dhigay maktabadda magaalada iyadoo halkaas lagusoo bandhigay naqshadda ay yeelan doonto maktabaddu.

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA