Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Barakacayaasha Dalka Sudan oo kufsi looga aargoosanayo

Khamiis-21- March-2024 {HMC}  Haweenka ka soo cararaya dagaalka Suudaan ayaa sheegaya in kufsiga loo adeegsado qaab lagu bar-tilmaameedsado dadka madowga ah ee dalkaas ku dhaqan Waxaana fuliyay ciidamada RSF iyo maleeshiyaad carbeed oo xulafo ah.

Shaqaalaha bulshada ee caawinaya dhibanayaasha rayidka ah ee dagaalka Suudaan ayaa sheegay in maleeshiyo Carbeed oo la shaqeeya Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay kufsiga u isticmaalayaan hub ay kaga aargoosanayaan dhammaan bulshooyinka – gaar ahaan qowmiyadda Masalit.

Dumar ka soo qaxay Darfur oo aaday dalka jaarka ah ee Chad ayaa BBC-da u sheegay sida marar badan loo kufsaday.

Gabadh sagaal iyo toban jir ah oo naxsan ayaa hadda ogaatay in ay uur leedahay.

Labaatan sano ka hor ayaa isla dambigaas waxaa geystay dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyada Janjaweed oo loo bixiyay RSF.

Dadka ku nool Suudaan ayaa muddo dheer u hamuun qabay waa cusub oo aanay ciidamadu maamulin.

Waxay la kulmaayaan gabood-fallo aad u fool xun iyadoo Jeneraalada iska soo horjeeda ay ku loolamayaan talada dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA