Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

6 qof oo Kenya ka soo jeeda ayaa lagu dilay Soomaaliya

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Lix qof oo Kenya u dhashay ayaa lagu dilay Dhoobley waxaana loo maleynayaa in ay Alshabaab dileen sidaasina waxaa sheegay guddoomiye ku xigeenka Libooye Cali Manduku.

Manduku wuxuu sheegay in lixda qof ee la dilay ay ka soo jeedaan gobolka Meru ee Kenya, waxayna maacuun ku iibinayeen magaalada Dhoobley.

“Meydkooda ayaa la keenayaa Libooye si loo aqoonsado. Muddo ayey ku ganacsanayeen Libooye” ayuu yiri Cali Manduku.

Lama oga sababta loo diay sida uu sheegay Manduku oo aan sharixi karin sida lixda qof ay ku tageen Dhoobley iyadoo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu xiran yahay.

Kenya ayaa ku dhawaaqday in xadka xiran yahay sanadkii 2011-kii balse dadka degan labada dhinanc ee xadka way isu tallaabaan waxaana ka dhexeeya heshiisyo ganacsi.

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA